LABA ARAGTI OO KU SAABSAN WAXA KEENA SABOOLNIMADA.

Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa mawduuc ka duwan mawduucyadii hore ee aynu qaadan jirnay. Mawduucan oo aynu kaga hadli doono “Laba aragti oo ku saabsan waxa keena SABOOLNIMADA”. Mawduucan oo aan ahayn mid si toos ah inoo tusaya sababta dhabta ah ee keentay faqriga baahsan ee ka jira adduunka. Balse waxaynu ku arki doonaa laba aragtiyood oo isku dayaya inay ka jawaabaan waxa keenay SABOOLNIMADA.
Sida aynu la socono saboolnimadu waxay noqotay arrin adduunka oo dhan saamayn ku yeelatay. Laakinse inkasta oo ay tahay arrin qadar iyo xikmad ALLE , haddana bal aynu eegno waxyaabaha loo tiriyo inay yihiin sababaha keena:


Aragtida 1.
Aragtidani waxay odhanaysa in qofka saboolka ahi uu isagu masuul ka yahay saboolnimada haysa! Waxay leedahay aragtidani sidoo kale in bulshada taarikhdeeda marka dib loo eego , in la arki doono in bulshadu ay muhiimad badan siin jirtay in qofku isku-filnaado. Sidaa darteed heerka aad ku sugnaan doonto ee dhaqaale waxa uu ku xidhnaan doonaa xirfadahaaga iyo dadaalkaaga. Aragtidani waxay intaa ku daraysaa in bulshadu ay fursado badan u soo bandhigayso cidkasta oo awoodaysa inay shaqaysato , doonaysana inay fursadahan ka faai’daysato. Laakinse dadka saboolka ahi waa kuwo aan shaqayn karayn waayo waxa aanay lahayn xirfado iyo aqoontii ay ku shaqayn lahaayeen ama kaliya waxa aanay haysan dhiirigalintii ay shaqo ku qaban lahaayeen!

Aragtida 2
Aragtidani waxa ay leedahay bulshada ayaa sabab u ah saboolnimada! Waxaanay aragtidani leedahay ma jiraan adduunkan shaqooyin ku filan dadka oo dhan. Sidoo kale dadaal la’aanta ka muuqata dad badan oo sabool ah waxa sabab u ah fursad yaraanta shaqo ee jirta!



Ugu dambayntii labadan aragti midna waxay masuuliyada saboolnimada saaraysa dadka saboolka ah. Halka aragtida kalena ay masuuliyada saboolnimada bulsho haysa ay saarayso bulshada ay la nool yihiin.

Aragtida 1aad waxa leh OSCAR LEWIS.
Aragtida 2aad waxa leh WILLIAM JULIUS WILSON.
Maqaalkan waxaan ka soo qaatay buugga:
SOCIOLOGY
JOHN J. MACIONIS.

One clap, two clap, three clap, forty?

By clapping more or less, you can signal to us which stories really stand out.