Ilmuhu hooyadiis ma u baahan yahey?

Mahad Camey
2 min readFeb 1, 2024

--

Aniga iyo hooyo, garoonka diyaaradaha garowe.

13 sano kahor, habeen ayuu aabahay alle haunaxariistee lasoo hadlay hooyadey waxa uuna u sheegay in caruurta dhamaan schoolada laga wada saaro oo badalka loo soo qaado siaan ugu guurno bosaaso oo ah xarunta shaqadiisa, sababta ugu wayna ay ahayd in uu naga warhayo maadaama caruurtu ay waa waynaadeen waliba ragga dacwadiisu badatey hooyana uu uga turay dhibkaas oo uu is yiri ka warqab caruurtaadaa oo soo dhawayso.

Galab galbaha kamid ah aniga oo farxsan kubad lasoo dheelay dhalin-yaro aanu asxaab ahayn ayaan xaafada imid, siaan dharkayga usii aruursado maadaama bari laguurayo loona guurayo magaaladiii aabe joogey.

Nasiiib xumo intaan galabtay kubada ku maqnaa xaafada galab madow ayay u ahayd waxaana lasoo sheegay geerida aabe alle haunaxriistee, waxaana xaafada kula kawsadey xoolo loo keenay in laqalo iyo baroorta xaafada kajirta, naxdin,wareer,walwal, iyo iswaydiin badan; taloow xaafada yaa kadhintey, ma hooyo,ma awoowe,ma hebel kale! Qofkii koowaad oo aan laistaago wuxuu noqdey abtigay aan jeclahay abti yaa dhintey; suuye, “aabe ayaa dhintey alle haunaxriistee xoolahaan ila qabo oo ila shaqee, una tag hooyo iyo caruurta una sheeg in qof walba dhimanayo ayna xaq tahey geeridu”.

Abti waxa uu ila hadley in aan nin rag ah iska dhigo oo, aanan waxba is dareensiin, laakiin maxaan isku dareensiin waayay, waxaan waayay qofkii aan nolosha ku dayanayey, waxaan waayay macalinkaygii nolosha, waxa aan waayay maamulahaygi shaqooyinka oo dhan, waxaan waayay qaadigii xaafada oo i xakumi jiray hadii khaldamo, waxaan waayay ninkii aan kaga dayan jiray sida dharka loo xirto, sida cuntada loo cuno, sida loo socdo, sida dadka loola hadlo iyo sida haweenka loo dhawro oo wax walba laiskaga hor mariyo.

Markii aan xaqiiqsadey geerida aabahey AUN, waxa koowaad oo aan kafakaray waa masuuliyadii iyo aabenimadii yaa idiin buuxinaya, yaase ilaalin doona gabdhaha walaalahaa ah, adiga rag ayaa tahay meel kasta ayaad kadhici kartaa, laakin gabdhaha maya oo ma awoodaan.

13 sano kadib, qofka noogu yar waxa uu hada galayaa jaamacada heerka koowaad, qayb waxa ay ka baxeen jaamacada heerka labaad, qaybna waa shaqaysaa oo waxay horumariyaan noloshoodq.

Qof walba waxa uu is-waydiinayaa yaa kaabey, yaa taakuleeyay, balse waa cidna, waxaa noloshaas dhexda noogu xiratey hooyadey, waxa ay ilowdey geerida aabe, waxayse u jihaysatey in ay soo Saarto nolosha ubadkeeda.

Mar way shaqaynaysey, mar way na tarbiyay-naysey, marna waa ay na hogaaminaysey.

Maalin ma ciishoon, maalin ma fakarin oo ma Dareemin garab la’aan, hooyo iyo aabe ayey noo noqotey hooyo.

Eebe waxaan ka baryayaa in uu hooyo ugu naxariisto sida ay noogu naxariisatey.

Waxaan maalmahan maqlayey kuwa ku doodaya ilmuhu hooyadiis uma baahna, waxaan leeyahey hooyadu waa midaas aniga iyo kumanaan ila nooca soo saartey, qiimaha hooyo qof caqli leh waa ogyahey, doqona loo sheegi maayo.

Ina abdikaafi ahmed ahna ina haawo khaliif farah.

--

--

Mahad Camey

Journalist | blogger | Press Officer at Office Prime Minister (OPM) | And Former Reporter at MMTV, HCTV and Radio Garowe.