Zakariye Abdirahman
2 min readJul 27, 2018

Talow maxaa nolashada iska badali lahaa hadii maalin bilaa interneed noqtid ? balse muxuu nolashaada caadiga intarneed ku soo kordhiyay? Ma ka maarmi kartaa ?

“Google can bring you back 100,000 answers. A librarian can bring you back the right one.”

Neil Gaiman

Dhawaan bay ahayd markii anoo safar ku jira uu mobile intarneed ka isticmaalo iga xumaaday nolayshdiina waxay isku badashay tii qarnaygii 19 naad OO kale !!!! baabuurka i qaadyay wuxuu ahaa Uber, aqalka ku dagaayay wuxuu ahaa Airbnb, Hage hayguna wuxuu ahaa TripAdvisor, boorsada lacagtadu waxay ahayd Paypal, ku darsoo cusub ku waxaan ku samaynayay couchsurfing .

Hal mar bay nolashu cidlo iyo ciirsi leh iskugu kay badashay

Sidee u istaacmasha interenet ?

Muxuuna nolaashada ka badlay ?

Muxuu kugu soo kordhin karaa?

Adeegyo aasaasiga ma kuu sahlay?

Maqaalkan wuxuu hordhac u yahay maqaalo taxana ah oo aan kaga warami doono sida aduunku ugu faaiday Internet iyo sida aad uga faaidaysan karto aaladan lagu timaaamay — mid ka mida hal abuurkii ugu wayn ee abid aduunka soo maray “ The most greatest invention in the world”-

Taariikhda interneet oo kooban

Aalda internet waxaa la ikhtaraacay 1960 internet oo lagu aasaasay dalka markaykanka xiligaas waxa uu ahaa qalab u gooniya military dalka marakaynka iyo cilimi badhasha, balse 1990 ayuu noqday aalad qofka caadiga isticmaali karo.

IS BAR BAR DHIG

Waxaa mucjiso noqtoy sida dadku ugu dareen celiyeen, wakhti yar gudohood ayuu ku caan noqday dad aad u badan ku isticmaaleen, Marka loo bar bar dhigo aladihii ka horeeyey sida mobilada , Kombuterda shakhsiyaadka (PC ) , sawirkan hoos sida

Dhincaga joogu wuxuu timaamayaa aaladaha, dhinca jiifkuna sanadada ay ku qaadatay 25% dadka markayn ay ku isticmaalan alaadahas ,

Tusaale ahaan 45 sano ayay ku qaadatay in 25% dadka reer markaykan dagan ay laydhka ku isticmaalan halka Internet kaga qaadatay 8 sano in 25% dadka markan dagaanaa ku isticmaalan.

La soco qaybaha kale xiiso badan

Mahadsanid