DAREENKEED KU XULATAA DANTA GUUD NIN HAGI KARA?!!

Umadaha kala duwan ee aduunka guudkiisa ku kala nool Cadaan, Madaw, Carab, iyo Qoomiyado kala duwan oo isku dhafanba ha noqdeene.
Ama diimo kala duwan ha kala aaminsanaadeen, Af ama (Luqad) u gaar ah ha wadaagaan, ama luqado kala duwani baadi-sooc ha u noqdaane.

waxa jira Hadaf ama ujeedo guud oo midaysa taas oo ah lama taabtaan sida ilaalinta jiritaanka qaran-nimadooda, midnimadooda, kor u qaadida karaamada iyo sharafka dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kalana waxaan ka madhnayn ujeedooyinkooda xulashada cida ay ugu cumaamadayaan inuu noqdo ka Hogaaminaya Dalkooda iyo dadkooda.
 Umadkastaa waa kuwo iyagu xor u ah qaabka ay u noolaayaan hadii aanay jirin caqabad ka hortaagani oo ay u madax-banaan yihiin

ku darsoo dadka somaaliyeedna waa ka mid umadahaa aynu ka hadlayno ee aduunka ku uuman.
Kuwaas oo aan ka mid nahay ama ku abtirsano isir ahaan.

Hadaba dadka somaaliyeed waxay lahaayeen dhaqan soo jireen ah oo aad u qoto dheer marka dib loo raad-raaco qaabka u noolaan jireen ama ay isu maamuli jireen, iyo
sidii ay u xulan jireen ama ugu cumaamadi jireen cida majaraha u qabanaysa intii isku Qabiil, jufo, Abtirsiin ama dani is bado,

Iyagoo qodobo iyo shuruudo adag oo ay ku soo xushaan lahaa qofka hogaaminaya.
Kuwaas oo cidii aan buuxin karin aanay hawaysan jirin noqoshada waxa loo yaqaanay Beel-daajiye.

maadaama ay dadka somaaliyeed yihiin kuwa qabiilo, iyo Ardaayo u kala noolaa.
Waxay noloshii qabaliga ahayd ay caqabad, dabar iyo (seeto) ku noqotay ka dib geedigii loogu guuray Nidaam dawladeed ama calan iyo Astaan u gaar ah oo la wada hadhsado loona siman yahay.

Iyadoo Qabyaalad, Eex, Musuq,Nin jeclaysi looga sabab dhigay Burburkii dawladii soomaaliyeed ee Sida qoraxda Qaarada Africa uga soo if-baxday.

Ilaa maantana ay Taagan tahay dhibaatada, turunturooyinka, iyo Caqabadaha Qabyaaladu leedahay.

Laguna guul daraystay sidii loo sixi lahaa qaladkii dhacay,
Casharka ugu weyn laga bartayna uu yahay inaan dadku ku midoobi karin Qabiil.

Indhahana laga qarsanayo iyadoo ay jiraan mabaadii kale oo dadku ku midoobi karo sida umadaha kale ee aduunka ku dhaqan ha noqoto Diin, Dhaqan, Shuuciyad, Wadaniyad, ama dawladnimo.
Balse aanay ku Hana-qaadi karin Qabiil iyo Qabiil loo kala Abtirsadaana wax isu keeni karin, Qarana lagu noqon.

Dadka somaaliyeed meel kasta ha joogaane weli waxay dabada hayaan ama u guuxaan markay tahay xulashada maamul ama hogaan ay yeeshaan meeshay doonaan ha ka soo jeedaan ama magacay doonaan ha u wehiliyo Erayga gundhiga lagu wareeray ah ee (LAND) oo aad moodo mid qolaba qolada kale kaga masayrtay.

Sida SOMALILAND, PUNTHLAND, JUBALAND, HEBLAAYOLAAND, waxay ka siman yihiin dhamaantood inaaanay hayn dhabihii lagu dooran lahaa Madaxweyne (Hogaamiye).

Waxay somaalidu ku maahmaahdaa.

DOQONTU WAY QUFACDAA MEEL LAGA RAACAYNA MA OGA

hadaba markaan biyo-dhaca ama dulucda u sii daadego
Dalka Somaliland waxaa ka jira Nidaamka Dimuqraadiga ee xisbiyada badan oo aad moodo mid lagu haftay ka dib markii lagu dhafay Cudurka Qabyaalada ee somali Aabaheed dilay iyadoo mid waliba tab iyo xeelba isugu geeyay siduu labadaas aan is qabanayn madaxweyne ugu noqon lahaa.

Dadka somaaliyeed waxay caan ku yihiin dhaqashada xoolaha taas oo geelu kaalinta koowaad kaga jiro iyadoo nin waliba geeliisa hido raaci jiray una soo xuli jiray Awr (Baarqab) kii uu geeliisa ku dari lahaa si uu u geeliisa wax uga dheefo, mararka qaarna ay dhici jirtay inaanu geeliisa ninku ku qoojin jirin isla markaana xiniinyaha ka saari jirey awrta geeliisa ku jirta.
mid kale (baarqab) oo nin kale geeliisa ku darsadayna weydiisan jiray inuu geela ugu daro.

Hadaba Qarankeenu ma Geelaa Baarqab awr-dhalyada wanaagsan loo raadin jirey ayuu ka liitaa?

Adigu se maxaad ku xulan doontaa ninka aad is leedahay qarankan wuu hogaamin karaa horumarna wuu gaadhsiin karaa?

Jawaabtu waa Amakaag iyo shaamareer.

Bal aynu dib u milicsano mid ka mid ah maansooyinka hodanka ah ee abwaan XASAN GANEY ee laydhaahdo (Duufaan).

taas oo ku qotonta dulucda maqaalkan si aan kaabis iyo xujo ugaga dhigo geba-gabada Hadafkayga.

Haddii aynu hoomayno tusaale kale, waa tuducyada ku jira maansada Duufaan. Geela awrka waa loo xulaa oo laba qaalin oo isku da’ ah oo qurux iyo qoodhba ka siman ayaa mid geela lagu daraa oo baarqab laga dhigaa, midna la dhufaanaa oo Koran la rarto noqdaa, oo waayo? Sawtii hore loo yidhi Haweenka iyo geelaba waa la hida-raacaa. Hadaba abwaanku geel iyo adhi midna ina bari mayo wuxuuse ina hoga tusaaleynayaa in ninka xil loo dhiibayaa ee dad iyo dal dhan lagu aaminayo la shirabo oo aan garab-daar lagu bokhrin ee loo gabalo eego.

Wuxuu yidhi.

Laba midabka deer-cada

Laba doobta wada rida

Da’da toban gu’ wada jirey

Deymada an kala dhicin

Markay doorashada tahay

Hiddihiyo dirkoodaa

Midna geel ku dari kara

Midna looga daayaa

Marka dulucda sheekada

Hoos loogu daadego

Halo doog ku rimayaa

Markay qoodh u deyid iyo

Dillo sheeg u baahdeen

Hadda dawladnimadiyo

Danta guudna kaa mudan

Kumaa derejadaa geya?

W/Q. Mohamed Mahad Muhumed (mmm).

Email. Mmmcccgood@gmail.com

One clap, two clap, three clap, forty?

By clapping more or less, you can signal to us which stories really stand out.