RIYADII MIDAWGII SOMAALI-WEYN EE SUURTO-GELI WAYDAY

Aduunyada waxa ka socda tartano nololeed. Tartanadaas oo ah kuwo qaarad, dal, gobol, tuulo iyo degmo waloo caalamka ka tirsani ay kula tartamayso qayrkeed dhinaca diinta, afka, magaca, hidaha, dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee goonida u ah rabtana sidii ay kor ugu qaadi lahayd mar walbana mudnaanta, magaca iyo wanaaga muuqda ee nolosha waayaheeda ku lifaaqan ay u kasban lahayd.

Hadaba Soomaali hadaynu nahay maanta iyada oo aynu waayaha iyo waxa aduunka ka socda u wada war hayno dhamaanteena aynu goob joog u wada nahay kaalinta liidata ee aynu kaga jirno nolosha iyo sidaynu u seegnay sumcadii iyo karaamadii ay umadi dunida guudkeeda ku joogi jirtay gondaheenana colaad, dagaal, dulmi, duudsi, xumaan iyo gedaadid wanaag loogu daw galay oo taariikh aan wanaagsanayn maanta meel walba laynaga dhigay, wajigeenuna tilmaamayo inaynu ka qadnay taladii iyo tusaalihii aynu caalamka maanta ku lahayn, waxa la doonayaa in sidan si dhaanta talo toosan looga qaato balse aan lagu sii jirin.

Noloshuna sideedaba way balaadhantahay balse waxay tix raacdaa hadba sida bilawgeedu yahay. Hadaba taariikh iyo sooyaal ayaynu leenahay bal hadii aynu dib u jaleecno waxa jirtay sanadkii 1960kii Somaliland iyo Somalia oo ka mid ahaa shantii Somali ay midoobeen calan qudha iyo dawladnimana wada yeesheen si horseed ay ugu noqdaan midawgii Somaliweyn oo ka koobnaa (Somaliland, Somalia, Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaad); balse markaa Djibouti Faransiisku gumaysanayay, NFD sidoo kale Ingiriisku gumaysi kooto ah ku haystay, Ismaamulkii Kilidh-ka shanaad ee Soomaalidana uu Ingiriisku sanadkii 1954kii saxeexay inay dhul Ethiopia ka mid ah tahay. Si kastaba ha ahaatee sanadkii 1963kii ayaa dalka Kenya Xornimadeedii heshay; NFD oo ingiriisku gumaysi ku haystayna waxa uu wakhtigaa ku daray dalka Kenya oo uu u saxeexay inay tahay gobol dalkaa ka mid ah. Iyada oo halkaa maraysa midawgii Somaliweyna NFD ay seegtay oo ay ku abtirsatay gobol ka mid ah Kenya, ayaa sanadku markuu ahaa 1977kii waxa dhacay laba arimood oo kala ahaa; Faransiiska oo siiyay istiqaaladii dalka Djibouti iyo dagaalkii Somalia ay ku qaaday dalka Ethiopia ee la rabay in lagu soo xoreeyo dalkii Soomaaliyeed ee Kilidhka shanaad. Hadaba dagaalkaas waa la ogaa caalamku siduu ugu hiiliyay dawlada Ethiopia, taasoo aynu ku seegnay xorayntii Kilidhka shanaad; dhanka kalena aynu seegnay Djibouti oo iyana Somaliweyn ku abtirsata sidii laga sugayay balse uga adkaysatay ka dib markii ay aragtay isla wakhtigaa maamul xumadii iyo colaadii soo ifbaxday ee taliskii markaa haystay uu kula kacay umada.

Hadaba Somaliweyn oo wakhtigaa midawgeedu ku koobnaa Somaliland iyo Somalia, saddexdii dal ee Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaadna ay suurtoobi wayday in ay ku abtirsadaan midawgii Somaliweyn oo biir ku ahayd shanta dal balse aan taabo galin; dhamaana la ogaa cadaawadii iyo colaadii ba'nayd ee ka dhalatay midaw raadiskaa iyo qabiilaysigii saamaynta ku yeeshay xasuuqyo iyo xabaalid loo gaysto beelo ka tirsanaa dalkii markii hore midawga u heelanaa ee Somaliland; wakhtigaana loo yiqiinay gobolada woqooyi ee Somalia oo maamulkii markaa talada dalka haystay uu go'aano badan oo ka dhana qawmiyadaa gaadhay, ka dibna markii dambe ee colaadii sii badatay ay dhaceen dagaalo gumaysiga taliska lagaga soo horjeedo oo Somaliland ay ku raadinaysay xoriyadeedii ka luntay 1960kii; isla markaana sanadkii 1991kii ay labadaa dawladood ku kala baxaan calankii iyo dawladnimadii ay wada haysteen oo Somaliland u ahayd sanadkii ay xoriyadeedii kala soo noqotay Somalia.

Wakhtigan maanta la joogo waxaan la yaabaa dadka go'aankoodu yahay in shantii Somaliweyn la mideeyo; iyada oo wakhtigaa hore midawgoodu suurto gal noqon waayay colaado iyo cadaawado farabadanina soo kala dhexmareen. Ma aaminsani maanta inay Somaliweyn isku soo noqon doonto, hadii go'aankaa Somaliweyn la daba socdana waxa aan hubaa inay colaada dhextaala umada Soomaaliyeed ay intan kasii badanayso. Ilmaha dambe ee dhalan doonaana uu colaadan tu kasii daran ku garaadsan doono oo uu isna halkaa ka sii wadi doono.

Hadaba sharafta Soomaalidu waxay maanta kusoo noqon karaysaa iyada oo shantii dal (Somaliland, Somalia, Djibouti, NFD iyo Kilidhka shanaad) ee markii hore la kala ahaa lagu kala joogo; waxana ay maslaxad u tahay magaca Soomaali oo sidaan hore usoo sheegay aduunwaynaha laga aaminsanyahay argagixiso, gaajo, guluf, colaad socota iyo dad dagaal ku waabariista waagii yimaadaba.

Dhanka kale sharafta Soomaali maanta waxay kusoo noqon karaysaa iyada oo la isu tanaasulo oo xiqdiga iyo xaasidnimada meesha laga saaro, dadka inta tashatayna loo huro fikir iyo ficilba oo waxay dalbanayaan aan laga horjoogsan. Somalia oo maanta ah dal aduunka kaga magac doonata midaynta Somaliweyn balse aan awood u lahayn, waxaan u sheegayaa inay ka taliso aayaha dambe oo ay walaalahood Somaliland maanta aqoonsiga ay ka dalbanayaan u saxeexdo uguna hambayso sidii ay markii hore ugu liseen ee ay ugu hanka waynaayeen dawlad Somaliweyn ku midawdo ee ay dawladnimadoodii ingiriisku siiyay uga doorbideen Soomaalinimada iyo dugsiga dadkaa ay isku diinta yihiin.

Walaalaha Somaliland waa dad wanaagsan oo aad u calool furan, waxa aan maanta hubaa hadii Somalia ay siiso aqoonsiga ay ka hor taagantahay in ay iyaguna ku gargaari doonaan cudud xoogan oo ay kaga saarto wixii argagixiso ah ee aaya tiray dalka Somalia; nabadna ka dhalin doonaan oo ay halkaa ka bilaabmi doonto walaaltinimo iyo laba wadan oo aduunwaynaha isugu jecel, jaar ah isku diina isku dhaqana isku afna ah oo xuduudi ka dhaxayso; mabda'ooduna ahaado inay wada dufaacdaan diintooda oo aan gaaladu u haad helin. Lkiin Somalia hadii ay rabto inay colaadu sii xoogaysato waa hadii ay maanta walaalahood ka hor joogaansadaan waxay ka doonayaan, hadii ay walaalnimo iyo shan Somaliweyn oo sabanada dambe markay colaadu tirtiranto midooba ay rabtana waa hadii ay walaalahood siiyaan waxa ay maanta ka tabanayaan oo gabigeeduba ah sidii ay 60kii ugu liseen inay ugu hambeeyaan oo ay u qiraan dawladnimadooda iyo horumarka ay ku talaabsadeen, aqoonsigana ku dhawaaqaan.

Maanta Reer galbeedku waxay dagaal hoose kula jiraan diinta Islam-ka iyo inta ku abtirsata Muslim sidii ay u baabiin lahaayeen, taasoo maantana dagaalka Somalia ka socda ee mudadaa 25ka sanadood ah ay ka dambeeyeen dawladahaa waawayni oo aan hubo hadii uu caqliga Somalidu taliyo in laga gudbi doono heerkaa colaadeed iyo burburkaa wadamada qaar ka taagan oo loo gudbi doono heer maslaxad u ah diinteena oo dhamaan aynu wada dufaacano magaca inaga dhaxeeya ee Soomaali; aakhirkana aynu u dayno caruurteena dambe marka ay wanaaga ku garaadsadaan inay iyagu heshiiyaan oo ay Somaliweyn isla afgartaan.

Guntii iyo gabagabadii hadalkayga waxaan raacinayaa inay dalalka Soomaalidu taageeraan qadiyada iyo jiritaanka Somaliland oo ay ka kow tahay Somalia si ay inoogu rumoobaan intaa aan kor kusoo sheegay Marka ay sidaasi dhacdo waxaan hubaa Somaliland hadii loo saxeexo aqoonsiga sidaan kor kusoo xusay inay cudud dhaqaale, fikir iyo ficilba gashan doonto dalka Somalia oo ay nabad ka dhalin doonaan.
Somaliland iyana waxaan odhanayaa ka gacan-siiya walaalihiina somaaliyeed siday aayahooda uga tashan lahaayeen una mari lahaayeen dariiqaad horumarka ku gaadheen, iyaguna wax ha idinka bartaan.
Hana laga daayo digashada iyo sida ay maanta u muuqato ee ah.
WAA LAGU DIGTAA RUUX HADUU KUU DARAAN JIRAYE BAL DAYAAY WADAADKII WAA KAA SII DABAYSHADE!!!!!

Ka maanta arimaheena gacanta ku hayaa waa ilaahay; waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo mar walba kuwii diintooda dhinac ka wada dufaacda ee aan iyagu ka gudbin xuduuda Islam-nimo ee qiraysa inaan qof Muslim ah lagu dilin xaqdaro. Waxaan ilaahay inooga baryayaa inuu inaga yeelo kuwii wax isu ogolaada balse aanu xisti kala daadin libinta ay hanteen. Alle ha isu keen soo hadeeyo oo ha inaga yeelo shan daloo xuduud wada leh horumar iyo hor u socodka midkeen gaadhaana ina wada farxad galiyo.

Allaa Mahad Leh

W/Q. mohamed mahad muhumed (mmm)

E-mail. Mmmcccgood@gmail.com

One clap, two clap, three clap, forty?

By clapping more or less, you can signal to us which stories really stand out.