SABABIHII BURBURIYAY SOMALIA?

Aqoonyahanno badan oo soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa wax ka qoray sababihii burburka dawladdii Somalia. Nin walba meel ayuu ugu sibir-saaray markaan baadhis sameeyey. Kuwo badan oo qorayaal ahi

waxay tilmaameen qarannimadii iyo qabyaaladdii isku milmay inay tahay waxa halaagga ku keenay ee burburiyey dawladnimadii, waayo bay yidhaahdeen Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan. Qaar kale waxay qabaan inaan dawladdii Somalia looga horrayn dagaalkii ay la gashay dalka Ethiopia sannadii 1977kii. Kuwo kale oo shisheeye u badan waxay aaminsan yihiin in dadka soomaaliyeed weligoodba ay qabaa’il kala madax bannaan ahaayeen isla markaana baadka, biyaha iyo beledkaba ku dagaallama, dawlad dhexe oo midaysana anay abidkood yeelan, dawladnimadii lixdankii ay hantiyeen isla markaana lagu mideeyey labadii gobol ee woqooyi iyo koonfurna ay ahayd laab-lakac ay ka madhan tahay aasaas xididdo adag iyo sooyaal dawladnimo leh, sidaa daraaddeed ay iska burburtay. Qofba meel ayuu aragtidiisa iyo baadhistiisa ku saleeyey. Madaxweynihii hore ee dawladda Ethiopia Kornayl Mangistu Haile Mariam isaguna waxa uu ku faanay anaa burburiyey dawladdii Somalia, dad soomaaliyeed oo sidaa aaminsanna way jiraan.

Burburka ku dhacay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed waa mid dul iyo hoosba waxba seegin oo dhinac walba taabtay. Dunidan casriga ah dal sidaa u kala daatay oo baaba’ay laguma sheegin sooyaalka. Markaad dhinacyo badan ka fiiriso 26kii sannadood ee aynnu soo dhaafnay wixii dhacay baad ogaanaysaa waxa burburka keenay inuu yahay arrin aad iyo aad u weyn oo u baahan in si xeeldheer loogu daadego halka wax ka soo unkameen. Muddadaa rubuc qarniga ku dhaw ee burburku socday qoraallo badan oo laga diyaariyey markaan akhriyey isla markaana aan dhegeystay waraysiyo badan oo ay bixiyeen culimo iyo dad kale oo madax u badnaa oo xogogaal ahaa isla markaana goobjoog u ahaa dhacdooyin badan iyo intaan u soo joogay , baan go’aansaday inaan isku dayo aniguna oo aan wax ka qoro sababihii burbuka keenay, halkii uu ka bilawday iyo maalin walba haadaantii dalku ka dhacay sidii loogu sii durkayey.

Bishii Oktoobar 15keedii 1969kii waxa magaalada Laascaanood lagu dilay madaxweynihii jamhuuriyadda Somalia Allaha u naxariistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, bisha 20keediina waxa lagu xabaalay caasimadda Muqdisho. Isla bishii Oktoobar 21keedii waxa afgembi milateri xukunkii ku qabsaday ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed. Inqilaakaa ciidanku sameeyey dadweynuhu aad bay u soo dhaweeyeen, waayo? Waxay aad iyo aad uga niyad jabsanaayeen xukuumadihii rayadka ahaa ee dalka soo maamulay sagaalkii sannadood ee hore, kuwaas oo maamul xumadoodii ay keentay in duhur cad la dilo madaxweynihii dalka.

Saraakiishii maamulka dalka la wareegay waxay ku dhawaaqeen gole ay ku magacaabeen Golaha sare ee Tawradda (Kacaanka) oo ka koobnaa 25sarkaal oo guddoomiye u doortay Janaraal Maxamad Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidamada Somalia. Durba waxay soo saareen toddoba qodob oo ay u bixiyeen cahdigii koowaad ee Tawradda. Qodobbadaas midba midka kale ayuu ka qurux badnaa. Dadweynihii aad bay u soo dhaweeyeen baaqii ciidamada oo durba waxay laabta gashadeen ididiilo iyo in laga baxayo horowmar la’aantii dalka daashatay. Hasayeeshee waxgaradka soomaaliyeed baa shaki weyn ka qabay saraakiisha xukunkii dalka maroorsatay, waayo? Waxay ogaayeen oo ay si wanaagsan ula socdeen in saraakiisha dhexdooda lagu fidiyey mabda’a Shuuciga ah iyo janaraal Maxamad Siyaad Barre sooyaalkiisa oo aad u madoobaa.

1964kii oo dawladdii Xabashidu dagaal ku soo qaadday Somalia ayaa ra’iisalwasaarihii dalku Mudane Sharma’arke uu xidhiidh wanaagsan la samaystay dawladdii Ruushka si ay u hesho hub ay dalka ku difaacdo kadib markay reer galbeedka ku hungowday. Waa markaa xilliga ay Shuuciyaddu aad ugu dhex faaftay saraakiishii ciidamada xoogga dalka. 1969kii, wixii ka dambeeyeyna uu sii xoogeystay xidhiidhkii Somalia iyo Ruushku.

QAADASHADII HANTIWADAAGGA CILMIGA KU DHISAN

Intaanay sannad gaadhinba waxa dalka la keenay boqollaal saraakiil milateri iyo tababarayaal ah oo ka socda dalka Ruushka oo berigaa la odhan jiray Midawga Sofiyeti. Waxa caasimadda Somalia ee Muqdisho laga furay xafiiskii ugu weynaa ee K J B (Ciidamada sirdoonka ee Ruushka) ku yeelato qaaradda Afrika oo dhan. Hal sano kadib oo ku beegan 21kii Oktoobar 1971kii, golihii sare ee Tawraddu waxay meel mariyeen oo ay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo dalka Somalia uu qaatay oo lagu dhiqi doono mabda’a Hatiwadaagga cilmiga ku dhisan, dawladda Somaliyana ka mid tahay beesha hantiwadaagga ee dunida. Haddaad maqasho hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnaheedu waa Shuuciyad (Diin la’aan).Hasayeeshee markay hirgelinayeen waxay odhan jireen mabda’u waa hawl iyo hantiwadaag. Hantiwadaagguna waa dawga qudha ee aan ku gaadhi karno horowmar dhinac walba ah. Markaan hawsha wadajir u qabanno baan hantida wadaagaynaa.

Dabadeed barnaamij Iskaa-wax-u-qabso la yidhaa oo aan dhammaad lahayn baa dadweynihii lagu mashquuliyey. Sannadihii lixdamaadkii iyo toddobaatanaadkii bilawgoodii dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, koonfurta Amerika iyo dalalka Carabta qaarkood waxa ka dhacay afgembiyo milateri oo dhinaca Ruushka iyo xulifadiisii reer Bariga u janjeedha. Waxa berigaa waddamada dunida saddexaad sida daadka u soo galay kutub faahfaahinaysa mabda’a Suuciyadda oo ay qoreen rag ay ka mid yihiin Karl Marx, Lenine, Mao Tse Toung iyo kuwa kale. Kutubtaa ay raggaa gaaladu qoreen dhallinyaro badan oo soomaaliyeed bay saameeyeen oo ku toobaseegay. Saraakiishii xukunka dalka qabsatay si ay u hirgeliyaan mabda’a hantiwadaagga cilmiga ku dhisan waxay la kaashadeen dhalliyaradaa aan soo sheegay ee la dhacsanayd Shuuciyadda. Waxa xaafad iyo tuulo walba laga dhisay goleyaal waaweyn oo loo bixiyey Golayaasha hanuuninta dadweynaha, halkaa oo markay galabtii iskaa-wax-u-qabso dadweynuhu ku soo shaqeeyaan habeenkiina lagu hanuuniyo ilaa saq-badhka. Hanuunintaas oo ahayd in shacabka lagu shubo mabaadiida uu kacaanku watay, in laga maqnaado golaha hanuuninta dambi weyn bay ahayd, qofkii ka soo xaadiri waayana inuu kacaandiid dib-u-socoda yahay baa loo aqoosan jiray isla markaana dabagal joogta ah baa lagu hayey. Intaa waxa dheeraa oo tababarro joogta ah loogu diri jirey saraakiisha ciidamada, hawl wadeennada maamulka dawladda iyo shaqaalaha intaba waddamada Shuuciga ahaa oo ay ka mid ahaayeen Ruushka, Jarmalkii bari, Juquslafaakiya(Tchecoslavaqui) iyo kuwo kale. Ardayda dugsiyada sare ka baxa qaar badan oo ka mida iyaga qudhooda waddamada Shuuciga ayaa waxbarasho jaamicadeed loo geyn jiray. Ardayda loo diro Ruushka haddii ay si wanaagsan u qaataan duruusta mabaadiida dalkaas way u dhib yarayd inay soo qaataan shahaado jaamicadeed. Waxa soo baxay jiil dhan oo kugula doodaya in Shuuciyaddu tahay mabda’xalaal ah.

Warbaahintii dawladda, idaacadihii iyo hadday tahay jaraa’idkii dhammaan waxa loo adeegsaday buunbuuninta iyo qurxinta hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Fannaaniintii iyo abwaannadii baa iyagana la adeegsaday oo soo saaray heeso iyo gabayo ciiddaa ka badan oo aan kala joogsi lahayn. Bal hal heeskan aan ka soo qaatoo suugaantii dadweynaha dhegaha loogu dhuray. Heeskani waa mid ka dhexeeyey waddamadii Shuuciga ahaa oo afaf badan loo tarjimay siiqad iyo luuq midana waa loogu heesi jiray. Waa hees tilmaamaysa in waddamada Shuucigu isku bah yihiin. afka soomaaliga waxa u tarjimay abwaankii Cabdi Muxumad Aamiin oo isagu ka mid ahaa dadkii ku sirmay Shuuciyadda, ereyadeedii qaar ka mida waa kuwan,

Shaqaalaha askartiyo ardadeenna

Indheergaradka wanaagga arkaaya

Beeraleyda abuurta anfaaca

Hantiwadaagga ilaalin, ilaalin

Aragnoo aaminnay awooddeenna

Ka adkaannay abuurta adduunka

Silsilaadkii addoonsiga aasnee

Isu soo ururaay, ururaay

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeennaa lahaani

Arraadiyo gaajo waynnu idlayn

Weynnu adkaani, weynnu adkaani

Aayeheenna ubadkeenna lahaani.

Maxamad Siyaad Barre iyo golihii saraakiisha ee uu guddomiyaha u ahaa wax walba way adeegsadeen si ay ummadda ugu shubaan oo ay uga raaridaan ujeeddadii iyo mabda’ii ay soo waarideen ee ay lahaayeen waa waddada keliya ee dalku ku gaadhi karo horowmar iyo barwaaqo.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Qof dacar beertay timiri uma dhalato”

Berigaa dalka boqortooyada Sucuudi Carabia waxa boqor u ahaa Allaha u naxariistee boqor Faysal Ibnu Cabdulcasiis. Boqor Faysal waxa uu ahaa hoggaamiye aad iyo aad u wanaagsanaa oo lagu goblamay. Sannadkii 1972kii ayaa boqorku farriin qoraala u soo diray madaxweynihii Somalia Maxamad Siyaad Barre, farriintaas waxa siday la-taliyihiisii arrimaha diinta oo la odhan jirey Maxamad Maxamuud AL-Sawaaf oo dhalashadiisu Ciraaqi ahayd.

Maalintii uu Siyaad Barre qaabilay ergeyga boqor Faysal waxa goob-joog ahaa Sheekh Maxamad Axmed oo loo yaqaan Gadhyare kana mida culimada caanka ah ee Soomaalida. Sheekh Gadhyare oo ka warramay hadalladii maalintaa la isweydaarsaday“waxa uu yidhi sidan, ugu horreyn waxa hadalka qaatay ergeygii boqorka mudane Al-Sawaaf oo ku hadlaya afkii boqorka. Mudane madaxweyne waraaq baan kuu soo diray ee akhriso, ninkan farriinta sida ee Al-Sawaaf anuu wakiil iga yahay, waxa uu ku yidhaa waa farriin aan anigu soo faray haddaan boqor Faysal ahay. Waxaan kuugu soo diray warqaddan waa, annaga iyo shacabka soomaaliyeed dad islaamku walaaleeyey baan nahay. Soomaali caqiidadeeda iyo islaamkeeduna qiime weyn buu noogu fadhiyaa, meel xun inay maraanna ma jeclin. Haddana waxaan ogaannay inaad ku dhawaaqdeen hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Hantiwadaagga cilmiga ku dhisan macnihiisu waa Shuuciya, Shuuciyana waxa ay tahay Carab oo dhan baa soo jarribtay oo

ku soo gubatay, waa guri abaaroo laga soo guuray. Nin hadduu reerkiisa sahan u yahayna been uma sheego. Markaa Maxamad Siyaad Barrow soomaali guri laga soo wada cararay oo abaara ha u rarin, islaamkeeda ha ka fogeynin, wax kugu kallifaayi ma jiro. Waan ognahay idinka iyo Xabashi in colaad idinka dhaxayso hub iyo maalba inaad u baahantihiin waannu ognahay. Haddii aad Shuuciyadda aad u qaadanaysaan Ruush ugu dhawaada si aad hub uga heshaan, taasi xal maaha. Ruushku hal musbaar oo uu bilaash idiinku siinayaa ma jirto wax walba wuu idinka iibinayaa. Wixii lacag ah ee aad hub ku iibsanaysaan annagaa idin siinayna iyadoo kaash ah. Markaa idinkoo xor ah oo la idinku cidhiidhyin hubka amma Ruush ka iibsada amma Maraykan amma meel kale ka iibsada, laakiin hub dartii yaan la idinku addoonsan. Taasi waa taa, ta laabaad waxaan idiin ballan qaadaynaa inaan Somalia u beddelno goob barwaaqo ah oo annagu maal gashanno welibana dawladaha aannu saaxiibka nahay ku soo hoggaaminno inay Somalia maal gashadaan. Intaa oo dhan markaan samayno waxa keliya oo aannu doonaynaa shacbiga soomaalida caqiidadiisu inay nabad gasho. Intaa haddaad naga oggolaatana madaxaan kaa dhunkanaynaa. Markaasu sheekhii farriinta siday intuu kacay gacanta madaxa ka saaray madaxweynaha.

Sheekh Gadhyare oo ka warramaya warcelintii madaxweynaha waxa uu yidhi,

Madaxweynuhu nin waddo qalloocan haystuu ahaayoo waxa uu yidhi, annagu annagaa xor ah, annagaa doorannay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, annaguna xor baannu nahay, siyaasaddayadana in nalagu fara geliyo ma doonayno, annaguna tiinna ma fara gelinayno, idinkuna ha na fara gelinnina.

Soomaali islaam uma baahna way ka dheregsan tahay, haddaad rabtaan in diin la faafiyo Afrikaankaas lo’da iyo waxaas caabuda ee la sheegayo aan ku wada faafinno ee islaamka ha noogu soo gabbanina. Sidaas annagoo ah haddaad wax nagu tari kartaan nagu tara haddii kale bannaanka aan kala marno. Sidaa baa lagu kala dhaqaaqay.

Si loo sii xoojiyo hirgelinta iyo ka dhaadhicinta dadweynaha waxa uu Kacaanku meel mariyey xuska maalmo cayiman oo aad looga weyneeyo waddamadii Shuuciga ahaa. Maalmahaa oo aad u badnaa waxa ka mida, maalinta shaqaalaha dunida, maalinta haweenka, maalinta dhalliyarada iyo maalmo kale aad u badan.

Xuska maalmahaa oo aad iyo aad loo weyneyn jiray madaxweynaha qudhiisa ayaa ka soo qayb qaadan jirey isla goobahaana ka soo jeedinayey khudbado aad u dhaadheer. Khudbadahaa uu Siyaad Barre xafladahaa ka akhrinayey nuxurkoodu waxa uu ahaa waddada qudha ee dalku ku gaadhi karo horowmar buuxa oo dhinac walba ah ay tahay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan

Intaa waxa uu raacinayey gooddi iyo cagajuglayn joogta ah oo uu u jeedin jirey inta waxgaradka ah oo lagu cambaarayn jirey inay yihiin dib-u-socod kacaandiid ah oo u adeega gumaysiga cusub. Marar badan baa la sheegay isagoo khudbaynaya inuu ku gefay diinta islaamka ee xaniifka ah, ereyadiisii waxa ka mida kuwan “Haddii nebi Maxamad Siberia joogi lahaa, khamrada uu fasaxi lahaa”.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo ka mida culimada waaweyn ee soomaalida, sida uu ku sheegay taxanaha qoraalladiisa uu cinwaanka uga dhigay “Uurdoox” ee uu soo geliyey degelka http://www.somalitalk.comwaxa uu ku sheegay in 25kii sarkaal ee Golihii sare ee Tawradda( Kacaanka) ay laba keliya salaadda tukan jireen. Madaxtooyadii dalka laga maamulayey xeryihii waawaynaa ee ciidamada xoogga dalka midna hal masjid oo salaadda lagu oogo kama dhisnayn. Dugsiyadii waxabarashadana hablihii waxa loo diiday inay jidhkooda asturaan, sida wiilasha ayaa lagu qasbay inay shaadh gacma-gaaba iyo surwaal gashadaan madaxana ay qaawiyaan.

Sheekhu isagoo sii wata qoraalkiisa waxa uu sheegay, maalin maalmaha ka mida ayaa dhallinyaro layli sarkaal ku jiirtay waxa u khudbeeyey sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka, waxa la gaadhay salaaddii maqrib, saddex ka mida dhallintii ayaa doontay inay tukadaan, mid baa gacanta taagay, waxa la weydiiyey gacantaaggiisa, wuxu yidhi salaaddaan oogaynaa, waa lagu diiday. Dhawr jeer markuu gacanta taagay ee juuq loo odhan waayey ayaa saddexdoodii midna iimaam noqday labana ku xidhatay meel hoolka dhexdiisa ah. Iyagoo sujuudsan oo salaaddii ku jira ayaa askar loo soo diray, inta la garba duubay ayaa la xabisay. Dabadeed dibadda ayaa la dhigay intoo dirayskii laga tiriyey.

Raggii sidaa lagu falay oo kala ahaa, Xasan Afrax Guure, Axmad Ducaale iyo Mahdi Jimcaale weli way nool yihiin.

Dhinaca kale dawladdu cadaadis xoog badan bay saartay fidinta dacwadda islaamka iyo culimadii. Hasayeeshee culimadii dalku dacwaddii bay xoogeeyeen iyagoo masaajiidda oo ahayd goobaha qudha oo ay haysteen ka bilaabay fidinta diinta islaamka, tafsiirka quraanka, Axaadiista iyo barashada cilmiga. Waxa ku soo xoomay masaajiidda dadweynihii oo ay u badnaayeen dhallinyaro ogaatay in mabaadiida ay dawladdu waddaa tahay diin la’aan.

KU DHAWAAQIDDII XEERKA QOYSKA

Qarnigii sagaal iyo tobnaad dhammaadkiisii markii dhulka soomaalida ay qaybsadeen gumaystayaashii reer Yurub ee Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis waxay dalka ku maamuleen nidaamkii ay dalalkooda ku dhaqayeen marka laga reebo arrimaha guurka iyo dhaxalka oo ay noo dhaafeen inaan isku xukunno shareecada islaamka, oo ay u arkayeen in aanay danahooda waxba u dhimayn.

Dawladihii rayadkuna nidaamkii reer Galbeedka waxba kama ay doorin, hasayeeshee xukuumaddii Kacaanku intii yarayd ee shareecadda lagu xukumayey bay cagta marisay. 1975kii, dawladdii Ina Siyaad Barre waxay soo saartay xeerka qoyska. Xeerkaa qoysku dhammaantii liddi buu ku ahaa aayadaha quraanka kariimka ah, waxa uu haweenka la simay xagga dhaxalka ragga. 11kii bishii Jenaweri 1975kii, ayuu madaxweynuhuu goob fagaara ah ka khudbeeyey oo uu kaga dhawaaqay kuna faahfaahiyey xeerka qoyska. Khudbaddaa uu akhriyey madaxweynuhu aad baa loola yaabay, hadal nin muslima oo madaxa ummad islaamana xukuma daaye nin gaal ahi odhan karin buu ku dhawaaqay, hadalladiisii waxa kamida, maanta laga bilaabo wax la yidhaa Sudus, Sumun amma Rubuc damboo dhaxal lagu qaybsadaa ma jiro, wiil iyo gabadh wax kala badsan doonaa oo is dheeraan doona ma jiri doono. Nebi Maxamadba xilliguu joogay wixii la socon waayey waa la nasaqay, annaguna wixii nala socon waaya waan nasaqaynaa. Intaa waxa uu raaciyey, haddii wiilka Jaalle la yidhaa gabadhana Jaalley, yeeli mayno. Haddii wiilku Jaalle yahay gabadhuna waa Jaalle.Waa arrinta ugu weyn ee culimadii kicisay ee ay ka gadoodeen. Xeerkaa qoyska ee dawladdu meel marinaysay ee ummadda sanka laga galinayey waxa uu ka soo jeedaa aragti shisheeye oo gaalo leedahay dadweynaha soomaaliyeedna shaqo kuma leh.

Dhawr maalmood kadib khudbaddii Siyaad Barre ayaa maalin jimce ah salaaddii dabadeed qaar ka tirsan masaajiidda magaalada Muqdisho ayaa culimadii ka hadashay hadalladii madaxweynaha iyo xeerka qoyska ee baadilka ah. Masjidka Cabdulqaadir baa ka mid ahaa masaajiidda maalintaa ay culimadu ka hadashay. Ugu horreyn waxa hadalka qaatay sheekh Maxamad Axmed. Sheekhu markuu mambarka fuulayey waxa uu gacanta ku sitay wargeyskii Xiddigta Oktoobar oo ay ku xardhan tahay khudbaddii madaxweynuhu. Maanta waxaan halkan isku soo taagey waa arrin weyn oo ah in maanta ummaddii soomaaliyeed meel halis ah ay marayso. Wargeyskaa aan gacanta ku hayo waxa ku qoran iyo ninka ku hadlay iyo islaamku waxa uu ka qabo baan rabaa inaan ka hadlo. Sheekhu inta uu soo daliishaday aayadaha quraanka ah ee faahfaahinaya dhaxalka, guurka iyo arrimo kale oo badan ayuu is barbar dhigay qawlka Alle iyo ereyadii uu madaxweynuhu ku hadlay ee wargeska ku qornaa. Dabadeed daweynihii buu weydiiyey, ninka waxaa ku hadlay xukunkiisu waa maxay? Dadweynihii dhageysanayey dhammaan waxay go’aamiyeen inuu gaal yahay. Wadaaddo kale oo jibbaysan ayaa iyaguna halkaa ka hadlay si mida ayey u wada sheegeen in ninka waxaa ku hadlay gaal yahay. Culimadii masjidka joogtay sidii ku talagalkoodu ahaa tan iyo salaaddii maqrib bay hadalka wadeen iyagoo u kala bixin. Salaaddii maqrib kadib ayaa ciidamadii dawladdu masjidka soo weerareen oo ay culimadii goobta joogtay oo dhan xabsiga u taxaabeen.

Masjidka Siigaale waxa isna maalintaa ka hadlay wadaad la odhan jirey sheekh Muuse Yuusuf. Sheekh Muuse hadal badanba muu odhan maalintaa, intuu is taagay umbuu yidhi, dadka muslimiinta ahow, Ilaahay waxaad ka tuugtaan in Ilaahay innaga badbaadiyo Shuuciyadda sharkeeda. Intaa keliya umbuu yidhi wadaadkaasi. Sheekh kale ayaa isaguna masjid kale hadal kooban ka soo jeediyey, waxa uu yidhi, Ruush iyo Soomaali wax kulmiya oo ka dhexeeyaa ma jiraan, Ruush waa gaalo Soomaalina waa muslim, Ruush waa caddaan soomaalina waa madow, Ruush waa Yurub buu yidhi sheekhu Soomaalina waa Afrika, wax Soomaali iyo Ruush kulmiyaa oo ka dhexeeyaa haba yaraatee ma jiraan. Ruush oo intaa aan soo sheegay oo dhan wax na kulmiyaa aanu jirin, dadka na daba wada ee nagu dirqinaya Ilaahow naga qabo. Intaas keliya buu wadaadkaasina yidhi. Maalintaa culimadii hadashay oo dhan xabsiga ayaa lagu hubsaday. Habeennimadii magaaladii oo guux ka baxayo waxa soo dhex maray Janaraal Cabdi-wahaab Makaahiil oo ka tirsanaa ciidamadii guulwadayaasha isla markaana ahaa saraakiisha madaxweynaha toos ula xidhiidha ee aan la hor istaagin. Jananku isla habeenkii isagoo yaabban ayuu toos ugu tegey Maxamad Siyaad Barre. Waxa uu ku yidhi, Jaalle Siyaad magaaladii oo karaysaan soo dhex maray, ummaddii cirkaasay maraysaa, hoog iyo ba’ baa soo fool leh, adiga ayaana baajin kara dhibaatada. Jaalle Siyaad waxaad yeeshaa wadaaddada oodda ka rog, idaacadda u yeedho hadda una sheeg ummadda inaad culimada siidaynayso. Habeenkaa waxa la sheegay in Janaraal Cabdi-Wahaab aad uga beryey madaxweynaha arrintaas. Madaxweynaha oo ahaa nin tiisu u caddahay ayaa ereyo kooban ku yidhi, way cabsadeen nala odhan maayo. Afar maalmood kadibna toban culimadii ka tirsan baa la toogtay qaar kale oo badanna xabsiyo dhaadheer baa lagu xukumay. Culimada la toogtay waxay kala ahaayeen

1) Sheekh Axmed Sheekh Maxamad

2) Sheekh Muuse Yuusuf

3) Sheekh Axmed Iimaan

4) CaliXasan Warsame

5) Xasan Ciise Iley

6) Maxamad Siyaad Xirsi

7) CaliJaamac Xirsi

8) Aadan Cali Xirsi

9) Saleebaan Jaamac Maxamad

10) Yaasiin Cilmi Cawil

Markay dawladdu culimadii qaar dhishay kuwa kalena jeelasha ku hubsatay bay weliba sii kordhisay cadaadiskii ay ku haysay kuwii hadhay ee waajibaadkooda gudanayey si ay u wadaan dacwadda. Sannadihii xigayna wadaaddo badan baa dalka dibadda uga yaacay markay nafahooda u yaabeen. Dhinaca kale, dawladdu marba marka xiga ayey ku sii durkaysay mabaadiida Shuuciyadda. 1976kii waxa si rasmiya loo dhisay laguna dhawaaqay xisbiga Shuuciga ee Somalia oo loo bixiyey, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed( X.H.K.S.).

Haddaba dawladdii Siyaad Barre way caddayd hilinka ay qaadday inuu yahay mid gucundho badan oo aan la mahadin doonin, waayo? Adduunkan aynnu ku noollahay xaqa iyo baadilku way soo jireen waanay jiri doonaan tan iyo qiyaamaha, hasayeeshee waxa Ilaahii inna abuurtay uu na faray in xaqa la raaco baadilkan laga tago si aynnu ifka iyo aakhiradaba u liibaanno. Dawladdii soomaaliyeed ee saraakiishu hoggaaminaysay dhinaca kale ayey istaagtay oo baadilkii bay u hiilisay xaqiina cagta hoosteeda bay gelisay. Falalkaa uu ku tallaabsaday Kacaanku tan iyo dhalashadiisii ee diin-la-dirirka ahaa baa horseed u noqday burburka dalkii oo dhan gaadhay.

WADDADII BURBURKA

Marka xaqa la diido ee weliba cagta la hoos geliyo way caddahay in mugdi la gelayo isla markaana haadaan lagu dhacayo. Dawladdii kacaanku iyadoo weli waddo qalloocan haysa, ayaa dawladdii Ruusha ee ay xulifada iyo bahdaba la ahaydi kula talisay in Itoobiya dagaal lagu qaado si ay Somalia u xoraysato dhulkii ka maqnaa. Muddo gaaban gudaheedna markab buuxa oo hub ah buu dekedda Berbera ka soo rogay kadib markuu Siyaad Barre oggolaaday inuu dagaal qaado. Ciidamadii Somalia markay si buuxda dagaalkii u galeen dhul badanna ay qabsadeen ayaa dawladdii Ruushku is baddashay, waxay tidhi kol haddii la riday boqortooyadii Haile Selase oo dawlad Shuuci ahi dhalatay waa in dagaalka la joojiyo si annu bah mida u wada noqonno. Dawladdii Somalia oo hadalkaasi laf dhuun gashay ku noqday ayaa waxa laabta u tumay oo taageero u muujiyey Maraykanka iyo waddamo Carbeed oo arrintoodu tahay “Qawda maqashiiya waxna haw qaban” Siyaad Barre oo ballanqaadkaa beenta ah run mooday ayaa si degdega ugu gacan saydhay dawladdii Ruushka, dagaalkiina sii xoogeeyey. Ruushkii iyo xulifadiisii oo aan u kala hadhin ayaa si buuxda isku barbar taagey maamulkii Dhergiga ee Mangistu Haile Mariam. Durba waxa dalka Itoobiya la keenay khubaro Ruusha oo ku xeel dheer dagaallada, 17000, oo askar Kuubaan(Cuba) ah iyo ciidamo kale oo laga soo waariday dalkii Yamanta Koonfureed la odhan jirey (Cadan). Dalka Libiyana dhaqaale badan buu ku caawiyey dawladdii Shuuciga ahayd ee ka dhalatay dalka Itoobiya. Intaas oo dhan iyo ciidankii Itoobiya oo hubkoodu u dhan yahay baa weerar cir iyo dhulba ah ku soo qaaday ciidamadii Somalia oo hubka iyo saanadduba ku yaraadeen, dawaladihii u laab tumayna ay kaga baxeen. Muddo kooban gudaheed ciidankii Somalia oo jabay oo habqana ayaa xuduudda la soo waydaariyey. Dhinaca siyaasadda, waddan keliya oo Somalia ku taageeray dakaalkaa ma jirin.

Haddaba xulifadan Itoobiya la safatay ee ciidankii soomaalida duhur cad ka hor timid ee sidaa u gashay, waa kuwee? Waa kuwii muddo 17 sannadooda la soo dhawaynayey, loo heesayey, bahda lala noqday ee waliba diin la’aanta u noqdeen Siyaad Barre iyo intii u sacabba tumaysay. Jabkii berigaa ku dhacay Somalia wakaa weli socda, ummaddii soomaaliyeedna wataa shanta qaaradood ee dunida haad iyo haanraawe kaga dhergay. Sababihii burburka keenay waa qodobbadaa aan kor ku soo faahfaahiyey, waa sida ay ila tahay. Wax jira Alla og, Ilaah innaga warroon, waa nabad.

W/Q. Mohamed Mahad Muhumed

Email. Mmmcccgood@gmail.com

One clap, two clap, three clap, forty?

By clapping more or less, you can signal to us which stories really stand out.