5 wax oo kaa caawinaayo inaad Web Developer noqoto

Duraan Ali
Aug 31, 2018 · 3 min read

Web Development waa dhisida shabakadaha internet-ka adigoo adeegsanaayo luuqadaha loogu tala galay in lagu dhiso shabakadaha sida HTML, CSS, Javascript iyo luuqado kale. Waxaan halkaan kusoo koobayaa shan waxyaalood oo kaa caawinayo inaad noqoto qof dhisa shabakadaha.

  1. Tutorials (Muuqaalada Wax laga barto)

Saad ogtihiin shabakada Youtube waxaa ku jiro muuqaalo aad u fara badan oo qofka haduu doonayo inuu barto wax, uu ka daawan karo. Isla Youtube ayaad waxaad ka daawan kartaa muuqaalo ku saabsan sida loo dhiso shabakadaha, adigoo ka bilaabayo meelaha ugu hooseeya ama hadba meesha kuu fudud. Lakin ogow, arintaan hada ka horna muuqaal ayaan ooga hadlay, Youtube waad ku wareeraysaa hadaadan garaneynin waxaad rabto inaad barato. Waxaad daawan kartaa Videos-ka aan sameeyay oo ka hadlaayo luuqadaha aad u baahantahay inaad barato saad Web Developer u noqoto.

2. Meel Ka Bilow

Dad badan ayaa waxay jecelyihiin inaysan wax dhisin ilaa ay ku taqasusaan sida loo dhiso shabakadaha. Lakin siduu qofka u baran haduusan isku dayin inuu wax dhiso. Aniga waagii aan baranaayay sida shabakadaha loo dhiso, waxaan ku bilaabay website aan aniga leeyahay, xataa hosting ma haysan marka waxaan isticmaalay meelaha bilaashka ah sida Wordpress.

Sidoo kale, waxaad u dhisi kartaa shabakad dadka ama ganacsatada aad taqaanid, si bilaash ah ugu dhis lakin markaad cilmi korarsato, ha aqbalin bilaash maxaa yeelay waxaad taqaanaa xirfad aad dhaqaalo ka sameyn kartid.

3. Dhagayso Podcasts/Shows/Radio

Hadaad dooneysid inaad cilmi technology la xariiro inaad baratid, waa inaad la socoto waxyaabaha cusub oo soo baxayo. Hadii waxaad baratay dhowr sano laga soo wareegay, waxay noqonayaan cilmi aanba loo baahnayn maxaa yeelay maalin kasta wax cusub ayaa soo baxayo oo ka wanaagsan kana hormarsan wixii hore. Tusaala ahaan waxaan u soo qaadan karnaa luuqada PHP oo ah luuqada ugu caansan markii la dhisayo website. Luuqadaas ayaa horay waxay u ahayd luuqad culus oo adagtahay sida lagu barto lakin mardhow waxaa soo baxay PHP 7 oo casri ah, fudaydna laga dhigay.

Sidaa darteed waa inaad dhageysato dadka ka hadlo arimahaan si aadan dib ugu dhicin oo wixii aa baratay ka kac aysan u noqon.

4. Samayso Portfolio (Meel aad dadka ku tusto waxaad dhistay)

Markuu qof kuu shaqaaleynayo inaad u qabato shaqo programming ku saabsan, waxay ku waydiinayaan inaad tustid waxaad horay u dhistay. Waxaa lagama maarmaan ah inaad meel ku aruuriso waxyaabaha aad dhistay ama aad qaar ka dhistay. Meelaha ugu fiican waxaa ka mid ah, website aad adiga leedahay ama Github (oo ah meel dadka developers-ka ah ay soo galiyaan waxay dhiseen). Tusaale ahaan, aniga waxaan leeyahay website aan kusoo bandhigo waxyaabihii aan dhisay, website-ka waxaa la yiraahdaa Sahal Solutions waxaad ka arkeysaa waxyaabihii aan qabtay halkaas.

5. Hal luuqad ku taqasus

Marar badan ayaa waxaa la i waydiiyay meeqa luuqadood aan u baahanahay inaan barto si aan web developer u noqdo, jawaabteydana waa hal luuqad ku taqasus, maxaa yeelay markaad luuqad si fiican u barato, kaba soo qaad Javascript ayaa waxay kugu qaadatay sanad inaad ku taqasusto, luuqadaha kale waxay kugu qaadanayaan sadex bilood ama ka yar maxaa yeelay waxaad fahantay habka dhismaha luuqadaha, habka loo isticmaalo iyo habka loo barto. Lakin markaad luuqad kasto waxyar ka barato waxbana aadan ku dhisan karin, wareer badan ayaa kala kulmeysaa.

Gaba gabo

Waxaan kuula talin lahaa inaad maalinkasta ama isbuuc kasta code qortid, wuxuu rabo ha ahaado, waxaad bilaabi kartaa application ama website adiga gooni kuu ah. Wixii kugu adkaado, waxaad ka raadin kartaa google iyo Stack OverFlow oo ah meelaha aad jawaabtaada ka heli kartid. Niyad jab yuusan kugu dhicin maxaa yeelay way adagtahay qofka inuu developer qatar ah noqdo.

Dadaal.

Duraan Ali

A Full Stack Web Developer and Graphic Designer

Welcome to a place where words matter. On Medium, smart voices and original ideas take center stage - with no ads in sight. Watch
Follow all the topics you care about, and we’ll deliver the best stories for you to your homepage and inbox. Explore
Get unlimited access to the best stories on Medium — and support writers while you’re at it. Just $5/month. Upgrade