Dagmooyinka gobolka gedo
Baardheere
Taariikhdu waa tusmada noolasha. Cilmiga lagu garto ummadihii hore waxa ay ahaayeen iyo waxa ay soo qabteen. Waxaa noo soo gudbiyey halgan dheerna u soo galey dad qoraayaal ah oo kala soo kulmey dhibaatooyin badan. Taariikhdu waxay na bartaa waxyaabihii soo dhacay sida horumarka, dagaallada, ilbaxnimada, akhlaaqda, caadooyinka iyo sababaha ummadaha ay hormaraan amaba waxa dib-u-dhaca u keena. Taariikhdu waxay kaloo na bartaa culimmada waaweyn ee ku xeeldheeraadey diinta iyo culuunta kala duwan sida adabka, siyaasadda, fanka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen deegaannada bulsha walba.
Soomaaliya waxay nasiibdarro ka mid noqotey waddamadii la gummeystey laga bilaabo bilowgii qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960 ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen. Gumeysiga imanshihiisa ka hor waxaa Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah ka jirey nidaamyo iyo is-maamul ay dadka Soomaaliyeed sameysteen raallina ka ahaayeen, deris-wanaagna uu ka dhexeeyay beelaha wada dega goob walba oo uu is-maamul ka jirey. Badiyaa Soomaalida oo dhaqan miyi u badnaa, waa hab nololeedka uu caalamka intiisa badan uu ku sugnaa, waxaa ka jirey hab kala dambeyn iyo is-ciseyn oo garta guud iyo xeerarka kala dejiya shakhsiyaadka iyo deegaannada waxaa goyn jirey gun ama guurti ay beesha go’aankeeda ku kalsooneyd.
Geyiga Soomaaliyeed koonfur ilaa waqooyi waxaa ka jirey garyaqaanno iyo qareenno doodda ku soo af jara geed hoostiis. Nidaamkii gumeysiga markii uu soo gaarey dalka Soomaaliya wuxuu ugu horeyn burburiyey nidaamyadaas jirey. Wuxuu qasey miisaankii iyo deganaashihiisii isagoo adeegsanaya fekredda ah: "qeybi oo xukun." Wixuu gumeystuhu, magac ahaan Talyaani iyo Ingiriis si aad isugu deyey in uu tirtiro raad taariikheedka dalka somaliya uu lahaa iyo in uu baabi’yo isla markaana duugo meelaha magaca iyo sharafta leh ee dalka iyo dadka Soomaaliya.
Waxaa ayaandarro noqotey iyana in aqoonyahanka Soomaaliyeed qaarkii waqtiyadii xigey lagu barbaariyey falsafaddaas, taas oo keentey daneyn la’aan taariikhda Soomaaliyeed waqtigii gumeysiga iyo maamulladii ka dambeeyey. Waxay hal-ku-dheg ka dhigteen wixii uu gumeysiga ka qorey Soomaaliya. Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay taariikh dhaxalgal ah, halgamayaal fara badan oo dunida caan ku ah isla markaana u soo hurey naf, maskax iyo maal. Kuwaas oo ka qeyb qaatey dhisidda iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa loo baahanyahay taariikhdaasna na bareysa garashada noloshii hore ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed in la darso kitaabtana lagu qoro ardeydana ay doortaan iney qoraalkooda qalin jebin baaris ku saameeyaan mowduucaas.
Noolasha qofka waa mid aad u gaaban marka loo fiiriyo taxanaha noolasha aadamiga ay soo martey sida bilowga miro aruursigii, ugaarsatadii, dhulgoosigii iyo degaanka beeraleyda iyo warshadeyntii si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loona allifo aalado cusub oo nolosha saacida.
(1904)
8. Sheikh Ibrahim Mohamed Adan -4 yrs-1326H (1908)
9. Sheikh Ali Moallin Muddey -33 yrs-1359H (1940)
10. Sheikh Axmed Sh Maxamed -30 yrs-1379H (195)
11. Hagi A/ziz Sh. Ali Moallin -8 yrs-1387H (1987)
12. Sheikh Mursal Malin Aliyow-25 yrs-1412H (1992)
Hogaamiyihii Jameecada sheekh Mursal waxaa la diley 17kii December 1992 abaaraha 21:20SN waqgiga Bariga Africa. Waxaa diley maleeshiyo maalmo ka hore inta aysan imaan ciidamadii U.N.
Dadka waxay in badan ku eedeeyaan Jameecada dib u socodnimo, jaahilnimo xaga diinta iyagoo hadana in badan xubnaha Jameecada ay diin u nasab sheegtaan. Waxaa intaas dheer in ay goobaha ganacsiga si khaldan deeq u waydiistaan noloshoodana ku soo koobeen dhaqaale raadis aan hunguri iyo hoy dhaafsiisney.
Xubnaha Jameecada badankii waxay ka yimaadaan miyiga nawaaxiga degmada Baardheere iyo dhulka jiinka ee beeraleyda.
@mohamed muhyadin