COVID-19: Maxay waajib kuugu tahey inaad maanta fal qaaddo?

Abdirahman Ahmed Sulleiman
31 min readMar 26, 2020

--

Maqaalkan waxa asal ahaan ku qorey afka ingiriisiga Tomas Pueyo kuna shaaciyey wargeyska Medium. Waxa akhridey maqaalka in ka badan 40 milyan oo qof, waxana loo tarjumey in ka badan 30 luuqadood. Waxa hadda aad akhrinaysaa waa tarjumaadii soomaliga ahayd, waxana tarjumey: Abdirahman Ahmed Sulleiman & Abdurahman Shiine.

FG. wixii ay ku xeeranyihiin qawsyada noocan ah [] annaga ayaa ku darney maqaalka.

============================

Marka aynu eegno xawaaraha ay ku socdaan dhacdooyinka la xidhiidha caabuqa COVID-19 waxa laga yaaba in ay kugu adkaato ka go’aan qaadashada waxa ay tahey inaad maanta qabato, ma macluumaad kale intey soo baxayaan baad sugtaa? ma maantadanaad ka hortag sii bilawdaa? se qaabkeed u bilawdaa?

Maqaalkan wuxuu ka hadlayaa, isagoo isticmaalaya shaxanno badan, xog, iyo models xisaabeed (mathematical models) oo saadaalin/qiyaasid loo adeegsanayo:

  1. Imisa xaaladood oo COVID-19 ah ayaa aagaaga ka jiri doona?
  2. 1. Maxaa dhici doona marka ay xaaladahani dhaboobaan?
  3. 2. Maxa aad ka qaban kartaa?
  4. Goorma?

Markaad akhrido maqaalkan waxaad kala tagi doontaa:

  • COVID-19 waa uu ku soo gaadhayaa
  • Waxa uu ku soo socdaa xawaare jibbaarmaya: si qunyar socod ah, ka dibna si soo booddo ah
  • Waxa kaa xiga todobaado amma maalmo
  • Marka uu ku soo gaadho nidaamka daryeelka caafimaad culeys ka badan ayaa fuuli doona
  • Dadka waxa lagu dawayn doonaa waddooyinka iyo luuqyada cisbitaalada [qololka oo buuxsamay aawadeed]
  • Shaqaalaha caafimaad ee xad-dhaafka u daallan waa ay awood-beeli doonaan, qoorkaadna waa ay dhiman doonan
  • Waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay kala doortaan cidda la siinayo Oxygen-ta iyo cidda dhimanaysa
  • Sida kaliya ee looga hor tagi karo arrinkan waa in habdhaqanka “kala dheeraashaha bulsheed” la hir galiyo maanta, barri maaha, MAANTA!
  • Taana macnaheedu waa in inta ugu badan ee dad ah ee xaafad lagu hayn karo lagu hayyo, laga bilaabo hadda.
  • Ka siyaasi ahaan, hoggaamiye beeleed, amma ganacsade waxa aad awwood uleedahay masuuliyadina kaa saarnatahey in aad arrinkaa ka hortagto.

Laga yaaba in ay cabsiyi kaa hayso: Tallow ma qof cabsi hayso ayaa la ii arki doonaa? Dadku miyey igu qosli doonaan? Ma cadhey igula dul dhici doonaan? Ma maan-gaab ayaa la ii arki doonaa? Miyayna ka fiicnayn in aan iska sugo inta ay dadka kale tallaabo ka qaadayaan? Ma dhaawac wayn ayaa aan dhaqaalaha ugaysan doonaa?

Laakiin, todobaado guduhood, marka dunida dhan wada xidhanto, marka ay dhowrkii cisho ee qiimaha badnaa ee “kala dheeraashaha bulsheed” aad hirgalisey nafo badbaadiso, cid danbe ku dhaliili mayso; waana laguugu mahad celin go’aankaagii saxsanaa ee aad qaadatey.

Waayahey, aan hore ka gudo-galno mawduuceenna.

1. Imisa xaaladood oo COVID-19 ah ayaa aagaaga ka jiri doona?

Faafitaanka xanuunka

Tixraac: Tomas Pueyo, Ku salaysan shaxannada iyo xogta worldmeters http://www.worldmeters.info/coronavirus/coronavirus-cases/

Tixraac: Tomas Pueyo, Ku salaysan shaxannada iyo xogta worldmeters http://www.worldmeters.info/coronavirus/coronavirus-cases/Wadarta xaaladaha xanuunkan laga helay xawaare isjibbaaraya ayaa ay ku kordhaysey illaa China ay xakamaysey korodhkaas, bal se xanuunku waa uu soo fakadey, haddana waxa uu noqdey caabuq ayna cidna qaban karayn.

Tixraac: Tomas Pueyo, Ku salaysan shaxannada iyo xogta worldmeters http://www.worldmeters.info/coronavirus/coronavirus-cases/

Korodhkaa xad-dhaafka ah ee xaaladuhu ay kordheen waxa inteeda ugu badan ka masuul ah (illaa waqtigan aan joogno) Italy, Iran, iyo South Korea:

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Xaaladaha laga helay South Korea, Italy, iyo Iran badi aawadeed ayeyna dalalkii kale ka muuqanba shaxanka. Aan soo dhawayna midigta hoose ee shaxanka, se dalalka kale aan qaarkood u aragno.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Waxa inoo muuqda darsin (amma ka badan) dawladood oo xaddi-faafitaan jibbaarmaya uu u socdo xanuunku [exponential growth rate]. Illaa hadda badankoodu waa dawlado galbeed.

Tixraac: Tomas Pueyo, Ku salaysan shaxannada iyo xogta worldmeters, kaliya dalalka laga hayyo >20 xaaladood iyo xaddi-faafitaan >5%

Haddii xaddigaa-faafitaan hal 7aad oo kaliya sidaa ku sii socdo, natiijadan sidan ayey noqonaysaa:

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Haddii aan rabno in aan fahanno waxa dhici kara, iyo sida looga hortagi karaba, waa inaan diraasayno dalalka xaaladan hore usoo maray: China, Asia-da bari ee SARS-kii soo maray, iyo Italy.

China

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey shaxanno uu soo gudbiyey Journal of the American Medical Association kuna salaysnaa xog uu shaacisey CDC-da China

Kan waa mid kamida shaxannada ugu muhiimsan. Waxa uu ku muujinayaa laydiyada liimiga ah tirada xaaladaha rasmiga ah ee maalintiiba la helayey: macnaha inta qof ee xanuunka laga helayey maalintaa.

Laydiyada sibidhiga ahna waxa ay muujinayaan tirada xaaladaha dhabta ah ee maalintaa xanuunku hayyey. Xarrunta Xakamaynta Cudurada (CDC) ee China ayaa ogaatey tiradan [tirada xaaladaha dhabta ah] kadib markii dadkii la baadhayey la waydiiyey xilliga ay astaamahan markii uhorreysey ka soo ifbaxeen.

Waxa si gaar ah umuhiima in xaaladahan aan markaa ahaan la ogayn [sidaa darteedna aan lagu soo darayn tirada xaaladaha xanuunku hayyo]. Kaliya waxa lagu ogaan karaa in gadaal loo raaco xogta, waayo dawladda iyo dhakhtarrada midna ma oga marka qof ay astaamuhu kasoo ifbaxaan, kaliya waxa ay ogaanayaan marka uu dhakhtar aado ee la baadho.

Taa macnaheedu waxa ay tahey in laydiyada liimiga ah ay ku tusayaan waxa ay dawladdu ogayd, kuwa sibidhiga ah se wixii dhab ahaan udhacayey.

21-kii January, tirada xaaladaha cusub ee la helay (liidiyada liimiga ah) si xooggan ayaa ay u korodhey, waxa soo kordhey wax ku dhow 100 xaaladood, xaqiiqdii se, waxa soo kordhey wax ka badan 1,500 oo xaaladood [liidiyada sibidhiga ah], xawaare isjibbaarayana waa ay ku kordhayeen xaaladuhu, bal se dawladdu taa ma ogayn, kaliya waxa ay ogeyd in si kadis ah ay 100 xaaladood oo xanuunkan cusub ahi soo kordheen.

Laba cisho dabadeed, dawladdu waxa ay xidhey magaalada Wuhan [xarrunta gobolka Hubei]. Markaa ahaan tirada xaaladaha cusub maalintiiba waxa ay ahayd ~400. Tiradaa maskaxda ku qabo, waxa ay go’aan ku gaadheen in ay magaalada xidhaan iyada oo tirada xaaladaha maalinlaha ah ayna 400 dhaafin. Mar kale, xaqiiqdu waxa ay ahayd in 2,500 oo xaaladood ay soo kordheen maalinta, laakiin ma ay ogayn. Maalintii xigtey 15 magaalo oo ka tirsan gobolka Hubei ayaa la xidhey.

Illaa laga gaadhayey 23-kii January, oo ahayd markii Wuhan la xidhey, waxa aad arki haddii aad liidiyada sibidhigaa ufiirsato in tiradu xaddi isjibbaaraya ay ku kordhaysey. Xaaladaha dhabta ah cirka ayey isku shareereen, isla markii Wuhan la xidhey se, xaaladaha xawaarahoodii koritaan waa uu naaqusey. 24-kii bisha, markii 15 magaalo oo kale la xidhey, tirada xaaladaha dhabta korriinkii waa ay joojisey, maalin ka bacdi tiradu waxa ay taagneyd xaggii u sarraysey ee ay gaadhi karaysey, wixii intaa ka danbeeyeyna tiradu kaliya hoos ayaa ay usocotey.

Si kastaba ha ahaatee, haddii tirada xaaladaha rasmiga ah aad ufiirsato (laydiyada liimiga ah), xaaladuhu wali xaddi isjibbaaraya ayaa ay ku sii kordhayeen, muddo 12 maalmood ah ayaa ay muuqataa in xanuunkani wali si xooggan usii faafayey, laakiin se dhab ahaantii ma faafayn, kaliya xaaladihii aan laga war hayn ayaa astaamo xooggan kasoo ifbaxayeen oo isi soo baadhayey, nidaamka lagu helayey xaaladaha xanuunkan qabana waa uu sii xoogaystey oo si fudud ayaa looga war helayey xaaladaha cusub.

Kala soocidda xaaladaha rasmiga ah iyo kuwa dhabta ah waa muhiim, aan maskaxda ku hayno, gadaal ayaa aan uga baahanaynaaye.

Gobolada kale dawladda dhexe ayaa ay si fiican ugu xidhaayeen, taasina waxa ay usahashey in ay tallaabooyin degdeg ah oo xooggan ay ku kacaan. Natiijadiina waa tan:

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Xarriiq kasta oo jiifta waa gobol kamid ah gobolada China oo laga helay xaalado COVID-19 ah, mid kasta waxa suuro gal ahayd in uu xanuunku ugu faafo xawaare isjibbaaraya [sida meelaha kale ee shaxannada kore ka muuqda], bal se tallaabooyinka degdega ah ee dhammaadkii January lagu kacey aawadood, gabigoodaba faafitaankii xanuunku waa uu ka istaagey.

Markaa ahaan, South Korea, Italy, iyo Iran waxa ay haysteen bil dhan si ay uga faa’iidaystaan wixii China soo maray, bal se kamaa ay faa’iidaysan. Waxa uu bilaabey fayrasku in uu xaddi-faafitaankii isjibbaarayey sidii Hubei ku faafo, tirada xaaladuhuna waa ay kor mareen gobolladii kale ee China oo dhan dhammaadkii February.

Dalalka bari

Xaaladaha South Korea si kadis ah ayaa ay uqarxeen, bal se ma is waydiisey sababta Japan, Taiwan, Singapore, Thailand amma Hong Kong ayna sidaas oo kale uga qarxin?

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Intoodaba waxa ku dhuftey xanuunkii SARS-ka 2003-dii, intoodubana casharo ayaa ay ka barteen. Waxa ay barteen halista ay leeyihiin xanuunadani iyo sida degdega ah ee ay ku faafi karaan, sidaa darteedna waa ay ogaayeen in ay daruuri tahey in si dhab ah loola tacaamulo xanuunkan, oo aan la dhayalsan. Taasina weeyi sababta iyaga oo xanuunku waqti hore uu soo gaadhey haddana wali ayna u muuqan in uu xaddi isjibbaaraya ku faafayo.

Illaa hadda, qissooyinka aan haynaa waa COVID-19 oo si aada ufaafey, dawladaha oo aqoonsanaya halistiisa, iyo iyaga oo xakamaynaya. Bal se dawladaha kuwan ka soo hadha, qisadoodu aad ayaa ay uga duwantahey sidan.

Inta aynaan u gudbin dawladaha kale, fiiro gaar ah oo ku saabsan South Korea: Dalkan sida ay ubadan tahey waa xaalad gooni ah [outlier], waayo 30kii xaaladood ee uhorreeyey waa la xakameeyey oo ma ay faafin fayraska. Bukaankii 31-aad se faafiye qayral caadiya ayaa uu ahaa, waxa uuna qabadsiiyay xanuunka kumayaal qof oo kale. Madaamana uu xanuunku faafayo iyada oo qofka astaamo degdeg ayna uga soo if bixin, waxa ay ogaadeen arrinkan mar uu xanuunkuba aad u fidey, imikana waxa ay la silcayaan waa cawaaqibtii halkaa xaalad. Si kasta ha ahaatee, dadaaladoodii xakamayn way midha dhalayaan, oo Italy iyo Iranba ayaa durba kor maray marka tirada xaaladaha la eego.

Washington

Hore waxa aan usoo aragney sida uu xanuunku ugu fidayo dalalka galbeedka, iyo saadaasha sida ay xaaladu hal 7aad guduhii usii xumaan karto. Hadda waxa aad suuraysataa in tallaabooyin xanuunka lagu xakamaynayo la qaadi waayey, kuwo la mid ah kuwii Wuhan amma dalalka bari.. xanuunku waxa uu ufaafi doonaa si xad-dhaaf ah.

Aan dhowr xaaladood eegno oo taasi ka dhacdey, Washington, San Francisco Bay Area, Paris iyo Madrid.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Washington waa Wuhan-ta maraykanka, xaaladahu xaddi isjibbaaraya ayaa ay ku kordhayaan, illaa haddana waxa la hayyaa 140 xaaladood [10/3/2020].

Bal se arrin ufiirsasho mudan ayaa dhacdey markii hore. Xaddiga dhimashado aad ayaa uu usarreeyey, mar waxa dhacdey in la hayey 3 xaaladood oo mid kood dhimasho ay ku danbeysey. Waxa aan ku ognahey meelo kale in xaddiga dhimashada COVID-19 uu udhexeeyo 0.5% iyo 5% (gadaal ayaa aan ka faahfaahin doonnaa), sidee ayaa ay ku dhacdaa markaa in xaddiga dhimashada Washington uu gaadho 33%?

Sababtu waxa ay ahayd in fayrasku 7aad uu faafayey iyada oo aan laga war hayn. Mana ahayn arrinku in kaliya 3 xaaladood jireen, ee waxa uu ahaa in kaliya 3 xaaladood laga war hayey, oo midkoodna dhimasho ku danbeeyey, maadaamana marka ay astaamuhu sii xoogbataanba ay ubadantahey in la baadho qofka [kadibna la ogaado xanuunka, 3 xaaladood oo astaamuhu ka soo ifbaxeen kaliya ayaa la baadhey ee inta kale lagama war hayn].

Tani waxa ay sawaabisaa laydiyadii sibidhiga iyo liimiga ahaa ee China: Washington kaliya waxa ay ka war hasyey laydiyada liimiga ah (xaaladaha rasmiga ah), in ay tiro yar yihiin ayaa ayna u ekayd, kaliya 3. Laakiin dhab ahaantii, waxa jirey boqolaal xaaladood, amma kumaan xaaladood [oo aan laga war hayn].

Arrintani waa mushkilad: kaliya waxa aad ogtahey xaaladaha rasmiga ah, ma aha xaaladaha dhabta ah oo dhan, bal se waxa aad ubaahantahey in aad ogaato xaaldaha dhabta ah. Sidee ayaa aad uqiyaasi kartaa xaaladaha dhabta ah? Waxa jira labo qaab oo loo qiyaasi karo, labadabana xaggan ayaa aad ka helaysaa, geli tirooyinka xaaladaada ku munaasibka ah, natiijooyinka aad ubaahantahey hel.

Qaabka 1aad waxa uu adeegsanayaa tirada dhimashooyinka. Haddii xaalado dhimasho oo COVID-19 uu keenay laga hayyo aagaa aad ku sugantahey, waxa aad u adeegsan kartaa qiyaasidda tirada xaaladaha dhabta ah ee aagaaga ka jira. Waxa aan ognahey in qaadista xanuunka iyo ku dhimashadiisa ay udhaxayso taqriiban 17.3 maalmood, taa macnaheedu waxa weeyi in qofkii ku dhintay Washington 29/2 uu sida ay ubadantahey qaadey xanuunka 12/2.

Intaa ka dib, waxa aynu ognahey xaddiga ku dhimashada xanuunka [macnaha boqolkiiba inta xanuunka qaada imisa ayaa dhimanaya]. Tusaalahan waxa aan kasoo qaadaynaa in xaddigu yahey 1% (gadaal ayaa aan ka faahfaahin doonnaa), taa macnaheedu waxa weeyi in 12/2 ay aagaas ka jireen ku dhawaad ~100 xaaladood (oo kaliya mid kamid ahi dhimasho ay ku danbaysey 17.3 cisho kadib).

Hadda waxa aad adeegsataa celceliska muddada ay ku libinlaabmayaan xaaladahu [macnaha muddada ay qaadanayso in ay libinlaabmaan tirada xaaladaha la hayyo, celcelis ahaan]. Waa 6.2 maalmood, taas oo inoo sheegaysa in muddadii ay ku qaadatey xaaladan in ay dhimasho gaadho (oo ahayd 17.3 maalmood) in tirada xaaladuhu libinlaabmatey ~8 goor (=2^(17.3/6.2)). Taas macnaheedu waxa weeyi haddii aanad wada baadhin xaaladaha oo dhan, in maalinta halkaa dhimasho dhacdey tirada xaaladaha dhabta ah ay maraysay ~800 [=100 x 8].

Washington waxa laga hayyaa 22 dhimasho illaa hadda. Xisaabtaa fudud haddii aan dib u marno waxa inoo soo baxaya ~16,000 oo xaaladood oo dhab ah. Waxa ay la mid tahey taasi tirada xaaladaha rasmiga ah ee Iran iyo Italy oo la isku darey.

Haddii aan si gun leh usii eegno xaaladahan, waxa aan ogaanaynaa in 19 kamid ah ay dadku isku meel ku sugan ahaayeen, lagana yaabaa in ayna si aada ufaafin xanuunka [ee iyaga uni isqabadsiiyeen], haddii markaa 19kaa xaaladood aan ka soo qaadno hal xaalad, tirada dhimashadu waxa ay noqonaysaa 4, marka aan dib uxisaabino xaaladaha waxa aan helaynaa ~3,000 oo xaaladood maanta.

Qaab xisaabineed kale oo uu dajiyey Trevor Bedford waxa uu eegayaa fayrasyada laftooda iyo isbedbeddeladooda [dhinaca hiddowadaayaasha] si uu uqiyaaso tirada xaaladaha dhabta ah.

Haddii aan soo koobnana, waxa uu sheegayaa in illaa ~1,100 xaaladood oo dhab ah ay ka jiraan Washington hadda.

Qaababkan midna qiyaastiisu hubaal ma aha, bal se hal farriin ayaa ay inoo wada sheegayaan: tirada xaaladaha dhabta ah ma garanayno, bal se tirada xaaladaha rasmiga ah aad ayaa ay uga badanyihiin, waxa ay is dheeryihiinna boqolaal xaaladood ma aha, waa kumayaal, amma ka badan.

San Francisco, Bay Area

Illaa iyo 8/3 wax dhimasho ah lagama hayn Bay Area-da. Waxa ay taasi caqabad ku noqotey ogaanshaha tirada xaaladaha dhabta ah. Si rasmi ah waxa loo aqoonsanaa 86 xaaladood, bal se maraykanku xaalado inta dhabta ah aad uga yar ayaa uu soo gudbinayaa waayo qalab baadhitaan oo ku filan ma haysto. Waxa ay go’aansadeen in ay soo saaraan qalab baadhitaan iyaga ukhaas ah, bal se waa uu shaqayn waayey!

Markan oo kale waxa aad isticmaali kartaa qayb ka mid ah tirada xaaladaha rasmiga ah si aad uqiyaasto tirada xaaladaha dhabta ah. Sidee ayaa aad ugaranaysaa se qaybta aad istimaalayso? Bay Area-da waxa la baadhayey qof kasta oo safray amma la kulmay qof safrey, taas oo macnaheedu yahey in ay ka war hayyeen xaaladaha safarka la xidhiidha badankooda, laakiin waxba kama ay ogayn xaaladaha bulshadu isku dhex faafinayso. Haddii aan ogaano saamiga xaaladaha safarku keenay iyo kuwa bulshadu isku dhex faafinayso waxa aan qiyaasi karnaa tirada xaaladaha dhabta ah.

Waxa aan eegay saamigaasi inta uu yahey South Korea, oo xogta ay ururisey aad uwanaagsantahey. Markii ay 86 xaaladood hayyeen, % inta bulshada dhinaceeda ka imidey waxa ay aheyd 86% (ogsoonow 86 xaaladood iyo 86% waa kaliya laba tiro oo nasiib ku kulmey halkan, wax ka dhexeeyana ma jiro).

Saamigaa adiga oo adeegsanaya waxa aad xisaabin kartaa tirada xaaladaha dhabta ah. Haddii 86 xaaladood laga hayyo Bay Area-da maanta, waxa ay ubadantahey in tirada xaaladaha dhabta ah ay tahey ~600 [= 86/(100% — 86%)].

France iyo Paris

France waxa ay sheeganaysaa 1,400 oo xaaladood maanta iyo 30 dhimasho. Marka aad adeegsato labada qaab-xisaabineed ee kor ku xusan waxa kuu soo baxaya in tirada xaaladaha dhabta ah ay udhexeeyso 24,000 iyo 140,000.

Tirada xaaladaha dhabta ah ee COVID-19 dalka France sida ay ubadantahey waxa ay udhaxaysaa 24,000 and 140,000

Aan kuugu celiyo mar kale: tirada xaaladaha dhabta ah ee COVID-19 dalka France sida ay ubadantahey waxa ay udhaxaysaa 10 laabka illaa 100 laabka tirada xaaladaha rasmiga ah.

Maad rumaysan laadahey? Aan ku noqono shaxankii Wuhan mar kale.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey shaxanno uu soo gudbiyey Journal of the American Medical Association kuna salaysnaa xog uu shaacisey CDC-da China

Haddii aad is dul rasayso laydiyada liimiga ah illaa taariikhdii 22/1, waxa kuu soo baxaya in wadarta xaaladuhu tahey 444 xaaladood. Hadda waxa aad iskugaysaa laydiyada sibidhiga ah oo dhan [illaa 22/1], wadartoodu waa ~12,000 oo xaaladood. Macnaha markii Wuhan ay umalaynasey in 444 xaaladood ay jiraan, waxa jirey intaa in 27 goor ka badan. Haddii France ay moodayso in 1,400 oo xaaladood ay ka jiraanna, waxa aad usuuro gal ah in tobanaan kun oo xaaladood ay jiraan.

Paris-na waa sidaas oo kale. ~30 xaaladood ayaa laga hayyaa, idan tirada xaaladaha dhabta ah waa boqolaal, ama kumayaal. 300 ee xaaladood ee gobolka Ile-de-France marka aad eegtana, waxa laga yaabaa tirada xaaladaha gobolku in ay kor udhaaftey tobonaan kun.

Spain iyo Madrid

Tirada xaaladaha Spain waxa ay aad ula mid tahey taFrance (1,200 oo xaaladood iyo 1,400 oo xaaladood, labadubana 30 dhimasho ayaa ay sheegeen). Taa macnaheedu waxa weeyi in isku si loo qiyaasi karo, tirada xaaladaha Spain-na ay, sida ay ubadantahey, kor udhaafsantahey 20k oo xaaladood.

Gobolka Comunidad de Madrid oo laga hayyo 600 oo xaaladood oo rasmi ah iyo 17 dhimasho, tirada xaaladihiisa dhabta ah waxa ay udhaxaysaa 10,000 iyo 60,000 sida ay ubadantahey.

Haddii inta aad akhirada xogtan aad isleedahey: “Suuro gal ma aha, waxani run ma noqon karo!”, kaliya xasuusnow mid: Wuhan markii tiradu intan ay maraysay waa ay xidhnayd.

Tirooyinkan maanta aan ku arkayno US, Spain, France, Iran, Germany, Japan, Netherlands, Denmark, Sweden amma Switzerland, markii ay Wuhan tirooyin lamid ah maraysay waa ay xidhnayd

Haddii aad isleedahayna: “Hubei waa hal gobol oo kaliya [sidaa darteed in la xidho waa ay fududayd, lamana barbar dhigi karo dawlado dhan]”, aan ku xasuusiyo in ay ku noolyihiin 60 million oo qof, oo ka badan tirada dadwaynaha Spain, kuna dhowyahey baaxad ahaan France.

2. Maxaa dhici doona marka ay xaaladahani xaqiiqoobaan?

Fayraska CORONA waa uu ina soo gaadhayaa. Waa uu qarsoonyahay. Waxa uuna ku korayaa xawaare laban-laab ah.

Maxaa inagu dhici doona marka uu soo gaadho wadamadeena? Waa ay fududahay in wax laga sii odoroso, haddii laga qiyaas qaato wadamada la tacaalaya fayraska CORONA. Tusaalaha ugu haboon ee lasoo qaadan karaa waa Hubei iyo Italy.

Heerka dhimashada

Haayada caafimaadka adduunku waxa ay sheegtay in heerka dhimashada caabugu uu yahay 3.4%. Hase ahaatee, tiradani (3.4%) si sax ah uma tilmaamayso macnaha looga jeedo; aan sharraxo sababta:

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Sida ka muuqata jaantuskan, heerka dhimashada ee caabuqu waxa uu ku xidhanyahay wadanka iyo xaalada uu ku jiro. Tiradu waxay u dhaxaysaa 0.6% oo ah South Korea illaa 4.4% oo ah Iran. Hadaba, maxaa keenay kala duwanaanshaha tirada? Aynu isku dayno in aan fahano.

Laba hab ayaad kusoo saari kartaa heerka dhimashada caabuqa: ta 1aad waa tirada dhimashada / tirada guud ee xaaladaha, ta 2aadna waa tirada dhimashada / tirada xaaladaha la xidhey [Xaaladaha la xidhey waa kuwo soo af jarmey ee amma bukaanku caafimadey amma dhintey].

Habka hore waxa ay u badantahay in uu soo saaro xisaab yar, sababta oo ah xaaladaha la hayyo qaar badan ayaa wali dhimasho ku danbayn kara. Habka labaadna waxa ay ubadantahey in uu soo saari doono xisaab buunbuunsan, sababta oo ah in sida badan xaaladaha dhimashada laga hor xidho xaaladaha bogsashada.

Waxa aan isku eegay labada hab sida ay waqtiga iskula baddalayaan. Labada xisaaboodba hal jawaab ayaa ay iskugu imanayaan marka ay xaaladaha oo dhan xidhmaan, sidaa darted, haddii aad saadaaliso adiga oo ka qiyaas qaadanaya wixii hore u soo dhacay, waxa aad ogaanaysaa heerka dhimashada caabuqu halka ay gaadhi karto.

Sidaasi ayay tilmaamayso xogta la hayo. China heerka dhimashada caabuqu waxa ay u dhaxaysaa 3.6% illaa 6.1%. Haddii aad saadaaliso, waxa ay kusoo ururaysaa inta u dhaxaysa ~3.8%-4%.

Tiradanna waa laban-laabka ta hadda lagu qiyaasayo, sidoo kale, waxa ay tilmaamaysaa in ay 30 jeer ka khatarsantahay heerka dhimashada hargabka.

Bal se tiradani waxa ay ka dhalatey laba xaalaadood oo kala duwan oo kala ah; Gobolka Hubei iyo China intiisa kale.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Heerka dhimashada Hubei marka la kala raaco labadii hab, waxay u badantahay inay iskugu imanayaan 4.8%. Hase ahaatee, gobollada kale (ka saar hubei) ee China labada jawaabood waxay iskugu imanayaan 0.9%.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Sidoo kale, waxa aan jaantusmeeyay heerka dhimashada caabuqa ee Iran, Italy, iyo South Korea, kuwaasi oo ah wadamo kaliya ee tiro dhimasho oo laga qiyaas qaadan karo ay ka jirto, oo laga soo saari karo jaantusyo run/sax u dhaw.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://github.com/CSSEGISandData/COVID-19/blob/master/csse_covid_19_data/csse_covid_19_time_series/time_series_covid19_confirmed_global.csv

Iran iyo Italy, marka la isku qaybiyo tiradooda dhimasho iyo wadarta xaaladaha oo dhan [waa habkii 1aad’e], heerka dhimashada caabuqu waxa ay kusoo ururaysaa 3%-4%. Waxa aanan u malaynayaa in ay sidaa u dhici doonto.

Laakiin xaalada South Korea waa tusaale aad u xiiso badan, sababta oo ah, labada jawaabood ee kasoo kala baxaya labadii hab aad ayay u kala duwanyihiin. Habka hore waxa kasoo baxaysa 0.6%; habka labaadna jawaabta kasoo baxaysaa waxa ay sii socotaa 48%. Waxa aan ka fahmay, in dhawr xaaladood oo ku khaas ah halkan [waa South Korea’e] ay jiraan.

Arrinta koowaad; wadankani waxa uu baadhayaa qof walba (maadaama ay jiraan xaalado badan oo wali aan la xidhin tirada dhimashadu waxa ay u muuqataa mid yar), sida oo kalena xaaladuhu muddo dheer ayaa ay furanyihiin (kaliya waxa ay xaaladaha degdeg uxidhaan marka ay xaaladu dhimasho ku dhamaato).

Arrinta labaad; wadankani wuxu haystaa sariiro cisbitaal oo aad u badan (eeg jaantuska 17.b). Sidoo kalena waxa laga yaabaa ina ay jiraan sababo kale oo aynaan garanayanin. Arrinta muhiimka ah waxa ay tahay in jawaabta “habkii 1aad” ay ku ag wareegayey 0.5%, laga soo bilaabo markii uu caabuqu ka bilaabmay wadankan, waxa ayna u muuqataa in intaa aanay dhaafi doonin. Sababta oo ah habsami u socodka maamulka nidaamka daryeelka caafimaad ee wadankan.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey xogtan https://data.worldbank.orgin/indicator/SH.MED.BEDS.ZS

Tusaalaha kale ee muhiimka ah waa markabka “Diamond Prince”: waxa laga helay 706 xaaladood, 6 dhimasho ah iyo 100 qof oo ka bogsaday xanuunka; heerka dhimashaduna waxa uu u dhaxeeyay 1% illaa 6.5%.

Ogsoonowna, kala badnaanshaha da’da ee wadamadu saamayn ayaa ay ku leedahay heerka dhimashada xanuunka [macnaha dalalka dadka waayeelka ah ku badanyihiin heerka dhimasho waa uu ka sarrayn doonaa kuwa kale]: m aadaama dhimashada caabuqa COVID-19 ay ku badantahay dadka da’da wayn [ka badan 50 jir], wadamada ay ku badanyihiin dadka da’da wayni, sida Japan oo kale, tirada dhimashadoodu waa ay ka badantahay marka la barbar dhigo wadamada ay ku badanyihiin dadka da’da yari, sida Nigeria. Sidoo kale, heerka dhimashada caabuqa waxa saamayn ku leh cimilada, gaar ahaan qoyaanka hawada iyo heerkulka, inkasta oo aanay cadayn sida ay arrimahani u saamayn doonaan xaddiga faafinta xanuunka iyo heerka dhimashada.

Marka aynu isku soo xoorinno warbixintaa, waxa kasoo baxaya:

1. Wadamada u diyaar garooba caabuqa, heerka dhimashadoodu waxa uu u dhaxaynayaa ~0.5% (South Korea) iyo 0.9% (China [laga reebo Hubei]).

2. Wadamada aan u diyaar garoobin caabuqa, heerka dhimashadoodu waxa uu u dhaxaynayaa ~3%-5%.

Si kale aynu dhigno, wadamada si deg deg ah u qaada tallaabo (u diyaar garaw fiican sameeya) waxa ay 10 jeer hoos u dhigi karaan heerka dhimashada caabuqa. Sidoo kale waxa ay hoos udhigaan tirada bukaannada caabuqa; waana arrin aan u baahnayn sharraxaad badan.

Wadamada tallaabooyinka ka hortaga ah si degdeg ah u qaada, waxa ay ugu yaraan 10 jeer hoos u dhigayaan tirada dhimashada bukaanada.

Hadaba wadan maxaa uu u baahanyahay si uu u diyaar garoobo?

Cadaadis intee leeg ayaa nimaadka daryeelka caafimaadka fuuli doona?

Ku dhawaad 20% bukaanadu waxa ay u baahdaan in la jiifiyo xarun caafimaad, 5% kale na waxa ay u baahdaan in la jiifiyo qaybta daryeelka xooga ah (ICU), qiyaastii 2.5% kamid ahina waxay usii baahdaan adeeg caafimaad oo aad u xoogan, iyo in lagu rakibo ijiinada hawada Oksajiinta dhaliya (ventilator) ama ECMO (extra-corporeal oxygenation).

Dhibaatadu waxa ay tahay, ijiinada ay ka midka yihiin Oksajiin dhaliyaha (ventilator) iyo ECMO ma aha ijiino si fudud lagu samayn karo ama lagu soo iibsan karo. Tusaale ahaan, dhawr sanno ka hor Maraykanku waxa uu haystay, kaliya, 250 ijiin oo ECMO ah.

Haddii si deg deg ah 100,000 oo qof u qaadaan xanuunka, in badan oo ka mid ah waxa ay u baahan doonaan in la baadho, ku dhawaad 20,000 oo qof waxa la jiifin doonaa xarun caafimaad, 5,000 oo kale waxay u baahan doonaan qaybta adeega xoogan (ICU), 1,000 bukaan oo kalena waxa ay u baahan doonaan ijiinada ECMO oo aynaan ka haysan in inagu filan manta [suurayso, 100,000 oo bukaan oo kali ah ayaa dhalinaya culayska baaxadaa leh].

Wali xisaabta kumaynaan darsan maaskarooyinkii. Tusaale ahaan, wadan sida Maraykanka oo kale ah, waxa uu haystaa kaliya 1% maaskaro ah si uu u daboolo baahida maaskarada ee shaqaalaha caafimaadka (inta la haysto oo ah 12 milyan oo N95 ah, 30 milyan oo maaskarada qallinka ah waxaad bar-bar dhigtaa inta baahida loo qabo oo ah 3.5 bilyan maaskaro). Si kale aan u dhigno, haddii xaalado badani soo baxaan mar kali ah, maaskarooyinka la hayyo waa in 2 toddobaad oo kali ah ku filan shaqaalaha caafimaadka.

Wadamada ay kamidka yihiin Japan, South Korea, Hong Kong, Singapore, iyo gobolada kale ee China (laga reebo Hubei) waxa ay muujiyeen diyaar garow xoogan, waxa ayna xoojiyeen adeega caafimaad ee bukaanada caabuqa COVID-19.

Laakiin inta kasoo hadhay wadamadaasi (oo ah wadamada reer Galbeedka) waxay u muuqdaan in ay ku socdaan dariiqii gobolka Hubei ama Italy [xaga diyaar garow la’aanta].

Tolow, maxaa ka dhacaya wadamadaasi?

Side ayuu uu u eekaan doonaa nidaamka daryeelka caafimaad marka uu la taag dareeyo tirada bukaannada?

Wax yaabaha ka dhacaya gobolka Hubei iyo Italy aad ayaa ay isku sawaabiyaan. Hubei waxa ay 10 cisho gudahood ku dhistay laba cisbitaal, xitaa iyada oo ay sidaa tahay, hadana nidaamka daryeelkeega caafimaad waxa uu la taag dareeyay bukaanada, badidooda aawadeed.

Labaduba waxa ay aad uga cawdeen in bukaanadu ay buux dhaafsheen cisbitaalada. Waxa qasab noqotay in adeega daryeelka caafimaad lagu bixiyo meel walba: hoolalka cisbitaalada, qolalka lagu sugo dhakhtarada…

Aad ayaa aan idiinkula talinayaa in aad akhridan tweet-kan iyo kuwa la socdaba, waxa Italy ka dhacaya ayaa ay sida ugu waadixsan usoo guurinayaan

Shaqaalaha adeega caafimaadku waxa ay saacado badan ku shaqeeyaan iyaga oo xidhan hal qalab is-ilaalineed (Protective gear), sababta oo ah qalabku kuma filna. Saacadahaasi kama bixi karaan meelaha khatarta caabuqu taalo (Infected areas). Marka ay ka baxaana, way burbursanyihiin, fuuq-baxsanyihiin, daalannayihiin. Meesha waa ay ka baxday shiftiyaynta shaqaaluhu. Xitaa shaqaalihii hawl gabay ayaa dib loo soo celiyay si ay u daboolaan baahida. Dad aan wax fikrad ah ka garanayn kalkaalinta caafimaad ayaa hal habeen gudihii lagu tababarayaa si ay u qabtaan hawlo halis ah. Qof walba waa heegan, markasta.

Francesca Mangiatordi, kalkaaliso Talyaani ah oo daalkii ka awood batey: https://www.facebook.com/photo.php?fbid=10216801035206313&set=a.4873666287617&type=3&theater

Shaqaalahaasi waxa ay sidaa heegan u yihiin illaa inta ayka noqonayaan bukaan, marar badanna way dhacdaa, waayo waxa ay si joogto ugu dayacanyihiin aag caabuqu haysto, mana haystaan qalab is-ilaalineed ku filan. Marka ay bukaan noqdaana, waxa ay galaan go’doomin 14 cisho ah; kaalintoodiina waa ay banaantahay 14kaa cisho.

Marka ay ugu fiicantahay xaaladu, waa marka ay banaantahey kaalinta shaqaalahaasi uu buuxin lahaa muddadaasi 14ka cisho ah, marka ay ugu xuntahayna, shaqaalahaasi waa kuwo ku dhinta caabuqa mudadaasi.

Tan ugu xumi waxa ay ka socotaa qaybta daryeelka xoogan (ICU) marka bukaanno u baahan ijinkii ECMO ay yimaadaan. Xaqiiq ahaan, suuro gal ma aha in la wadaago ijiinada noocan ah, sidaa darteed, dhakhaatiirtu waa in ay kala hormeeyaan bukaannada (bukaankee aad ugu baahan oo isticmaali doona). Taa dhab ahaan macneheedu waxa weeyi in ay dhakhaatiirtu kala doortaan bukaankee ayaa noolaan se kee ayaa dhiman.

“dhawr cisho kadib, waxa aan ku qasbanaanay in aan kala hormayno bukaanada. […] Qof walba laguma rakibi karo qalabka neefsiga. Sidaa darteed kala hormaynta waxa aan ku salaynaa da’da iyo xaalada caafimaad ee bukaanka” — Christian Salaroli, Dhakhtar Talyaani ah.

Shaqaale caafimaad oo la jooga bukaano ku jira qaybta daryeelka xoogan (ICU): https://www.washingtonpost.com/health/2020/03/07/how-doctors-treat-sickest-coronavirus-patients/

Waxaas oo dhami waa waxa gaadhsiiyey heerka dhimashada caabuqu ~4%, xaggii ay ka ahaan lahayd ~ 0.5%. Haddii aad rabto in magaaladaadu amma wadankaagu ka mid noqdo meelaha gaadhay ~4%, maanta wax ka hortag ah ha samayn.

Sawir dayax gacmeed lagu qaadey oo muujinaya qabuuraha Behesht Masoumeh ee ku yaala magaalada Qum, Iran: https://www.theguardian.com/world/2020/mar/12/coronavirus-iran-mass-graves-qom

3. Maxaa kugu waajib ah in aad samayso?

Sin xarriiqda xoodan

Xanuunku imika aad ayaa uu u faafey (pandemic), lamana tirtiri karo, bal se waa la yarayn karaa saamayntiisa.

Dalalka qaar ayaa si khaas ah umudan kaga dayasho arrinkan. Waxa ugu horraysaa dalalkaa Taiwan oo aad ugu xidhan China, hadana illaa maanta laga hayyo wax ka yar 50 xaaladood. Maqaalkan ayaa sharxaya tallaabooyinka ay waqti hore sii qaadey Taiwan ee awooda saarayey xakamaynta xanuunka.

https://jamanetwork.com/journals/jama/fullarticle/2762689

Waana ay ku guulaystey in ay xakameyso cudurka, bal se dalalka kale khibrada ay lahayd Taiwan ma lahayn, kuma ayna guulaysan xakamaynta xanuunka. Dalalkaasi hadda waxa ay ciyaarayaan ciyaar tii hore ee xakamanyta ahayd ka duwan: khafiifinta saamaynta xanuunka.

Haddii aan yarayno isgaadhsiinta xanuunka intii suuro gal ahba, nidaamkeena daryeelka caafimaad waxa uu karti uyeelan doona in si wanaagsan uu ula tacaamulo xaaladaha la hayyo, sidaa aawadeedna uu hoos udhigo xaddiga dhimashada. Haddii aan awoodnana in aan tan muddo joogtayno waxa aan gaadhi doonnaa marxalad bulshada inteeda kale la tallaali karo, taasi oo halisnimada xanuunka gabigeedaba meesha ka saaraysa. Sidaa darteed hadafkeenu hadda ahaan ma aha in aan cidhibtirno isku gudbinta xanuunka [macnaha in aan gaadhno xaalad ayna cidiba cid ugudbinayn], ee waa in aan isku gudbintaa intii suuro gal ah dib u dhigno.

Tixraac: https://flowingdata.com/2020/03/09/flatten-the-coronavirus-curve/?fbclid=IwAR3sG7Mkre45ZOQMH-xwWhKZzgRF6PJfydjezgPR8mS8BJ-DuwNqBHTjdUM

[Sida shaxanka ka muuqata marka ay tirada xaaladuhu badataba waxa kor badanaya tirada dadka daryeel caafimaad ubaahan, taasina waxa ay culays qaadkiisa ka badan saaraysaa nidaamka daryeelka caafimaad oo ku qasbanaanaya in dad xaddidan uu daweeyo kuwo kalena uu faraha ka qaado, karti la’aan aawaadeed, taasina waxa ka sii dhalanaya kor ukicitaanka heerka dhimisho iyo hoos udhicitaanka tirada dadka sida wanaagsan loo daweeyey.

Sidaa aawadeed haddii xarriiqdaa aadka uxoodan ee ka tarjumaysa tirada xaaladaha aan fidin karno (macnaha aan tiradaha xaaladaha hoos udhigi karno) nidaamka daryeelka caafimaad iyo nafo badanba waa aan badbaadinaynaa]

Mar walba oo aan xaaladoo dib udhigi karnaba, waa marka ay nidaamka daryeelka caafimaad tayadiisu sii fiicnaato, uu xaddiga dhimashadu hoos usoo dhaco, uuna kor ukoco saamiga bulshada ee marxaladda tallaalka gaadhi kara inta aana loo gudbin xanuunka ka hor.

Haddaba, sidee ayaa aan usinna xarriiqda qalloocan?

Kala dheeraashaha bulsheed

Waxa jira hal shay oo qabashadiisu fududahay faa’iidana leh: Kala dheeraashaha bulsheed [Dadka inta aad karto ka dheerow, oo xaafadaada iska fadhi].

Haddii aad ku noqoto shaxankii Wuhan waxa aad arki doontaa in markii magaalada la xidhey ay tirada xaaladuhu si dhakhso ah hoos ugu dhacdey, sababtuna waxa weeyi dadku isma ay dhexgalayn, sidaa darteedna xanuunku ma faafayn.

Hadda ahaan culimadu waxa ay isku raacsanyihiin in fayraska masaafad illaa 2 meter ah (6 feet) la iskaga gudbin karo haddii qof qufaco, haddii kale dhibcaha candhuufta ee uu ku dhex nool yahey fayrasku dhulka ayaa ay ku dhacayaan, kumana saamaynayaan [macluumaad cusub oo hadda soo kordhey waxa ay sheegayaan in uu fayrasku hawada muddo kusii noolaan karo].

Intaa ka sokow qaabka ugu xun ee la iskugu gudbin karo xanuunku waa oogooyinka: fayrasku waxa uu ku sii dul noolaadaa oogooyinka bir, plastic [caaga iwm.], amma dhoobo ka samaysan illaa 9 cisho. Taa macnaheedu waxa weeyi meelaha sida gacamada albaabada, iyo miisasku waxa ay noqon karaan xanuun gudbiyayaal halis ah.

Qaabka kaliya ee si dhab ah hoos loogu dhigi karo taasina waa kala dheeraashaha bulsheed: in dadka xaafada lagu hayyo intii suuro gal ah, laguna wado muddaadii ugu dheer ee suuro gal ah, illaa xanuunkani ka laabanayo.

Hufnaanta habkan hore ayaa loo taabtey, markii uu dillaacey oofo-wareerkii 1918kii.

Ka faa’iidaysiga oofo-wareerkii dillaacey 1918kii

Tixraac: https://www.pnas.org/content/104/18/7582

Waa aad arki kartaa sida Philadelphia ay ula dib dhacdey ka falcelinta caabuqa, isla markaana ay tirada dhimashadu xadka uga baxdey, barbardhig taas St. Louis oo si dagdag ah uga falcelisey fiditaanka xanuunka.

Kadibna waxa aad fiirisa Denver, oo markii hore hirgalisey kala dheeraashaha bulsheed, ka bacdina yaraysey ku dhaqanka arrinkan. Waxa ay tirada dhimashadu figta gaadhey laba jeer, oo marka danbe ay ka badnayd marka hore.

Txiraac: https://marginalrevolution.com/marginalrevolution/2020/03/what-worked-in-198-1919.html

Haddii si guud aad u eegto magaalooyinka waxa kuu soo baxaysa tan:

Txiraac: https://marginalrevolution.com/marginalrevolution/2020/03/what-worked-in-198-1919.html

Shaxankan waxa uu ku tusinayaa imisa xaaladood oo dhimasho oo saa’id ah [macnaha xadka caadiga ah dhaafsan] ayaa ay keensanaysey dib ula dhaca hirgalinta kala dheeraashaha bulsheed xilligii oofo-wareerkii dillaacey 1918kii. Tusaale ahaan, magaalada St. Louis waxa ay tallaabooyinkan hirgalisey 6 cisho ka hor magaalada Pittsburgh, xaddigeeda dhimashana waxa uu ahaa taqriiban kala badhka ka Pittsburgh. Celcelis ahaan, hirgalinta tallaabooyin ka hortag 20 ka hor waxa uu hoos udhigayey dhimashada 50%.

Italy ugu dambayn way garowsatey arrinkan. Waxa ay xidheen gobolka Lombardy axadii, maalin ka bacdina, isniintii, waxa ay garowsadeen khaladkooda, waxa ayna go’aansadeen in ay xidhaan dalka dhan.

Sida laga raja qabo, waxa aan raadka arrinkan arki doonnaa maalmaha soo socda, si kastaba ha ahaatee waxa ay qaadan doontaa hal illaa laba 7aad si ay natiijooyin la taaban karo usoo baxaan. Xasuusnow shaxankii Wuhan: waxa udhaxaysey muddo 12 maalmood ah markii la xidhey magaalada, iyo markii tirada xaaladaha rasmiga ahi ay hoos usoo dhacd bilaabeen (liidiyada liimiga ah).

Sidee ayaa ay siyaasiyiintu uga qayb-qaadan karaan kala dheeraashaha bulsheed?

Su’aasha ay maanta siyaasiyiintu is waydiinayaan ma aha: miyay tahey in aan tallaabo qaadno?, ee waxa weeyi: tallaabada saxsan ee hirgalinta mudani waa tee?

Waxa jira dhowr marxaladood oo cudur xakamayntu ay marto, kuwaas oo ku bilaabma filashada cudurka, kuna gabagabooba cidhibtirkiisa. Bal se aad ayaa looga dib dhacsanyahey waqtigii tallaabooyinkaas badankoodu ay faa’iido lahaayeen. Marka la tixgaliyo tirada xaaladaha ina horyaalla, siyaasiyiinta waxa kaliya ubannaan in ay ka dhex xushaan: xakamayn, iyo yarayn amma muquurin.

Xakamayn

Xakamayntu waa in xaaladaha oo dhan la aqoonsado, la kaantaroolo, goonina loo saaro. Waa arrinka Singapore, Hong Kong, Japan amma Taiwan ay si fiican ufuliyeen: waxa ay si degdeg ah u xadeeyaan tirada dadka soo galaya dalka, soo saaraan intooda xanuunku hayyo, si degdeg ah ugooniyeelaan, isticmaalaan qalab culus si ay u ilaaliyaan shaqaalahooda caafimaad, daba galaan qof kasta oo qof xanuusanaya uu la kulmey, kaaraantimeeyaan.. qorshahani aad ayaa uu u anfac badanyahey marka aad diyaar utahey, goor horena aad hirgaliso, kumana qasbanid in aad dhaqaalahaaga burburisid si uu kuugu suuro galo.

Waxa aan hore u ammaaney qorshaha Taiwan, bal se China lafteeda ma xuma. Tallaabooyinka ay qaadeen si ay uxakameeyaan cudurku waa kuwo aad ulayaab leh. Tusaale ahaan waxa ay sameeyeen wax ku dhow 1,800 oo kooxood, middiiba ka koobantahey 5 xubnood, oo daba galaya qof kasta oo xanuunku haleelay, cidda uu ugudbin karayey, kuwaana intooda xanuunku haleelay mid walba ciddii uu ugudbin karayey, kadibna intoodaba gooni usaarayey. Waana sidaas sida ay uga xakamayn kareen xanuunka dal dadwaynihiisu yihiin 1 billion oo qof.

Tani ma aha ta ay dalalka galbeedku yeeleen. Haddana taa waqtigeedii waa la dhaafey. Xayiraada musaafiriinta ka iminaya yurub ee maraykanku dhawaan shaaciyey waa tallaabo xakamayn oo uu qaadayo dal maanta ahaan laga hayo 3 laabka xaaladihii Hubei laga hayey markii la xidhey, oo xaddi isjibbaarayana ku kordhaya. Tiradaasi kaligeed ma lagu salayn karaa in waqtigii xakamaynta mar hore la dhaafey? Waxa aan taa ka ogaan karnaa daraasaynta shaxannadii safar xayiraada ee Wuhan.

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey shaxanno iyo xog ay shaacisey Science Magazine https://science.sciencemag.org/content/early/2020/03/05/science.aba9757

Shaxankani waxa uu ku tusayaa saamaynta ay xayiraadii safaradii Wuhan ku lahayd faafitaanka cudurka. Xajmika goobooyinku waxa uu ka tarjumaya tirada xaaladaha cusub maalintiiba. Lakabka usarreeya waxa uu muujinaya waxa dhacaya haddii safarka la xiyiri waayo, labada lakab ee kale waxa ay ku tusayaan saamaynta ay leedahay in safarada la yareeyo 40% iyo 90%. Model kani waa mid ay sameeyeen epidemiologists, waxa aanan u adeegsanaynaa waayo si loo hubsan karo arrinkan 100% ma jirto.

Haddii wax faraqa oo 3da lakab udhexeeya aanad arkayn, waa aad saxsantahey. Aad ayaa ay udagatahey in la arko isbeddel ay arrintani ku keenayso faafitaanka cudurka. Baadhayaasho waxa ay qiyaasayaan in xayiraada safarku ay kaliya dib udhigtey ku faafitaanka xanuunka China inteeda kale 3–5 maalmood.

Se maxaa ay umalaynayeen baadhayaashu in ay noqonayso saamaynta hoos udhigida Xaddiga Faafinta (XF) xanuunku ay ku yeelanayso fiditaankiisa? [XF waxa aan uga jeedna tirada inta qof ee halkii qofba uu usii gudbinayo xanuunka]

Tixraac: Taxliilin uu Tomas Pueyo ku sameeyey shaxanno iyo xog ay shaacisey Science Magazine https://science.sciencemag.org/content/early/2020/03/05/science.aba9757

Qaybta usarraysa waa qaybtii shaxankii hore aad soo aragtey. Labada qaybood ee kale waxa ay muujinayaan yaraynta XF. Haddii XF hoos loo dhigo 25% (oo ku imanaysa kala dheeraashaha bulsheed), taasi waxa ay simaysa xarriiqdii xoodnayd waxa ayna dib udhigaysaa figta xarriiqda muddo 14 todobaad oo dhan ah. Haddii aad hoos udhigtana XF 50%, arki maysid faafitaanka xanuunkan 3 bilood ee soo socda.

Safar xayiraada uu maamulka maraykanku saaray yurub waa arrin wanaagsan: waxa ay dib udhigtey faafitaanka cudurka dhowr saac oo kale! Bal se waafi ma aha, waa tallaabo xakamayn, halka marxaladan looga baahanyahey yarayan [yaraynta faafitaanka xanuunka].

Marka ay bulshada ku dhex jiraan boqolaal amma kumayaal xaaladood, ka hortaga in kale in ay soo kordhaan, iyo daba galka intii hore cidda ay la kulmeen toona inaguma filna. Marxalada taa ku xigtaayi waa yaraynta.

Yarayn amma muquurin

Yaraynta faafitaanka cudurku waxa ay ubaahantahey baadhitaano aad u badan, daba galida ciddii ay la kulmeen dadka laga helo xanuunku, iyo takoorida dadkaas, si loo simo xarriiqda xoodan, iyada oo aan la joojinayn faafitaanka cudurka.

Muquurinta cudurku se waa istaraatiijiyad taa kasii xagjirta, iskuna dayaysa in ay joojiso fiditaanka cudurka gabi ahaantiiba. Waxa lagama maarmaan u ah kala dheeraasho bulsheed oo xooggan. Waa in ay dadku isla kulanka joojiyaan si XF ee hadda taagan ~2–3 [macnaha qofkiiba waxa uu usii gudbinayaa xanuunka 2 illaa 3 qof oo kale] loo keeno wax ka hooseeya 1, ugu danbaynta u cidhib tirmo fayrasku.

Tallaabooyinka loo baahanyahey sidaa aawadeed waa xidhitaanka sharikadaha, tukaanada, goobaha waxbarashada, gaadiidka dadka badan qaada.. meelba meesha ay ka xaalad xuntaheyna ayaa ay tallaabooyinkan kala dheeraashaha bulsheed keenayana kaga sii darnaan doonaan. Hirgalintooda mar alliyo marka aad sii dadajisabana hore ayaad uga maarmi doontaa in aad ku sii dhaqanto, waxa kuu fududaan doona helida xaaladaha khatarta ku sugan, waxana yaraan doona tirada dadka cudurku haleelayo.

Sidani waa sidii Wuhan ay samaysey, Italy-na ku qasbanaatey, dabadoodna dalal kale ay ka daba mareen sida France, Spain, iyo dalal kale oo badan. Sababta oo ah marka fayrasku uu baahsanyahey waxa kaliya ee la qaban karaa waa in la xidho aagyada xanuunku ka jiro si loo joojiyo fiditaankiisa.

Waana ta ay tahey dalalka sida US, UK, Germany, Netherlands, amma Switzerland ee leh dhowr kun oo xaaladood oo rasmi ah — iyo tobanaan kun oo xaaladood oo dhab ah — in ay ku kacaan.

Ganacsiyo badan ayaa shaqaalahoodu xaafadaha ka soo shaqaynayaan, kulamo dad badan isugu iman lahaayeen waa la baajiyey, dadka qaar iyagaa is kaaraantimaya, waxaas oo dhami waa arrimo wanaagsan, laga yaabaa in ay XF ka dhigi doonaan 2.5 illaa 2.2, amma hadday ugu roontahey 2, laakiin ma aha tallaabooyin hoos udhaafin kara XF 1 muddo dheer oo xanuunku ku cidhibtirmi karo.

Sidaa aawadeed su’aashu waxa ay noqonaysaa: waa maxay waxyaabaha aan ka tanaasuli karno si aan hoos ugu dhigno XF? Liistadani waa ta ay Italy ina hordhigtey gabigeenaba:

  • Cidina ma gali karto kamana bixi karto aagyada la xidho, laga reebo ciddii sababo qoyska amma shaqada la xidhiidha wadata.
  • Dhaqdhaqaaqyada aaga xidhan gudihiisa waa in la iska ilaaliyo, haddii sababo shakhsi ah amma kuwo shaqo oo aan la baajin karayn ay kallifaan mooyaane.
  • Dadka astaamuhu ka soo ifbaxaan (xummad, amma neefsi xumo) waxaa “aad loogula talinayaa” in ay xaafadahooga iska fadhiyaan.
  • Waqti fasax shaqaalaha caafimaadku maleh
  • Xidhitaanka goobaha waxbarasho oo dhan (dugsiyada, jaamacadaha..), goobaha jimicsiga, meelaha lagu bandhigo hiddaha iyo dhaqanka, iwm.
  • Maqaaxiyaha iyo macmacaanlayaashu waxa ay furnaan karaan kaliya waqti xaddidan oo ah inta udhaxaysa 6 aroornimo illaa 6 fiidnimo, ugu yaraanna waa in ay macaamiishoodu isku jiran 1 meter (3 feet).
  • Meelaha lagu kala ganacsanayo oo dhan waa in ay dadku isku jiraan 1 meter. Meelaha ayna taasi usuuro galayna waa in la xidhaa. Goobaha cibaadadu waa ay furnaan karaan haddii masaafada ay ixtiraami karaan.
  • Ku booqashada qosyka iyo asxaabta dhakhtarka waa ay xaddidantahey.
  • Kulamada shaqeed waa in la baajiyo. Xaafada in laga soo shaqeeyo waa in la dhiirigaliyo.
  • Tartamada ciyaareed oo dhan, kuwo guud iyo kuwo gaaraba, waa in kansalo. Kuwooda muhiimka ahna bilaa taageerayaal ayaa la qaban karaa.

Kadibna laba cisho ka bacdi waxa ay ku dareen: “maya, waa in la xidho meheradaha aan daruuriga ahayn oo dhan. Macnaha waxa la xidhayaa ganacsiyada oo dhan, xafiisyada, maqaaxiyaha, iyo tukaamada. Kaliya gaadiidka, farmasiyada, iyo goobaha laga adeegto ayaa furnaanaya.”

Waxa suuro gal ah in tallaaboyinkan midmid loo qaado, se nasiib darro taasi waqti qiimo badan ayaa ay fayraska inaga siinaysaa. Haddii aad doonayso in laga nabad galo fayraskan, qaabkii Wuhan uhirgali tallaabooyinkan. Laga yaabaa in ay dadku cawdaan maanta, bal se barri waa ay kuu mahad celin doonaan.

4. Goorma?

Waxa suuro gal ah in aad igu waafaqday waxaa aan soo sheegay oo dhan, aanad is waydiinayso goorma ayaa tallaabooyinkan lagu kacayaa? Si kale aan u dhigno, maxaa astaan unoqon kara xilliga tallaabooyinkaa ka hortaga ah la hirgalinayo?

Go’aan gaadhka ku salaysan heerka halista

Si aan uga jawaabno su’aashan, waxa aan kuu sameeyney model xisaabeed (ku dhufo halkan).

Waxa uu kuu sahlayaa in aad qiyaasi karto imisa bukaan ayaa jira aagaaga, ixtimaalka in mid shaqaalahaaga ka mid ah uu qaadey xanuunka, sida ay tirooyinkani iskula baddalayaan waqtiga, iyo miyaa ay tahey in aad meheradaada xidho mise wali waa ay sii furnaan kartaa.

Waxyaabaha uu kuu sheegi karo waxa ka mid ah:

  • Haddii xafiiska shirkadaadu ku yaalo Washinton [tusaale ahaan], ayna ka shaqeeyaan 100 qof, maalintii 8/3 tirada inta qof ee u dhimatay COVID-19 ay maryasey 11 qof, ixtimaalka in 100ka qof midkood xanuunka qabo waa 25%, xafiiskaana waa in si degdeg ah aad u xidho.
  • Haddii shirkadaada ay ka shaqeeyaan 250 qof oo intooda badan ay daganyihiin South Bay, US [tusaale ahaan] (oo tirada rasmiga ah ee bukaanada COVID-19 ay ahayd 22 qof maalintii 3/8, tirada dhabta ahna ahayd ugu yaraan 54 qof, waa sida ay ubadantahey’e), ixtimaalka in mid shaqaalahaaga ka mid ah xanuunka qabo maalinta ay bishu tahey 9/3 waa ~2%, shirkadana waa in loo xidhaa si degdeg ah.

Tusaalahan waxa aan isticmaalney “Shikrad” iyo “Shaqaale”, hase ahaatee, waxa loo isticmaali karaa model-kan meelaha kale sida dugsiayada, carwooyinka, ama hoolalka tareennada laga raaco… Markaa haddii aad ku leedahay [tusaale ahaan] 50 shaqaale magaalada Paris oo soo raacay tareen, kumanaan qofna soo ag maray, khatarta (ugu yaraan hal qof) uu ku qaadi karo xanuunka aad ayaa ay u sarraysaa, waana in si degdeg ah aad uxidhaa xafiisyada sharikadaada.

Haddii aad wali dhayalsanayso, sababta oo ah magaaladaada wali kumaad arag qof astaamihii caabuqu kasoo ifbaxeen, kaliya ogow in fidinta xanuunku 26% ay dhacdo ka hor soo ifbaxa astamaaha caabuqa.

Gunaanad: Khatarta ay leedahay fadhiidnimadu (wax qabad la’aantu)

Waxa laga yaabaa in aad ka labac-layso maanta in aad talaabo ka hortag ah qaado, hayeeshee, ma aha in aad uga fikirto sidan:

Tixraac: Tomas Pueyo

Jaantuskani wuxu ku tusayaa bulshooyin kala duwan: mid aan hirgalin kala dheeraashaha bulsheed, mid hargalisey maalintii “n” markii uu socday xanuunku, mid kale oo hirgalisey maalintii “n+1” markii uu socday xanuunku. Tirooyinkani waa kuwo mala-awaal ah (waxa aan ka qiyaas qaatay xogtii Hubei; oo maalinkiiba ku ~6k oo qof ay usoo jiifsanayeen xanuunka markii ay ugu darnayd). Kaliya waxa ay ku tusinaysaan muhiimada ay yeelan karto “hal maalin” marka loo eego wax koritaankiisu jibbaarmayo maalin walba. Waxa aad arki kartaa hal maalin oo dib loo dhaco in ay kordhinayso tirada xaaladaha maalinlaha ah, inkastoo ugu danbayn labaduba ay eber kusoo biyo shubanayaan.

Bal se sidee ayaa ay taasi usaamaynaysaa wadarta tirada bukaanada?

Tixraac: Tomas Pueyo

Jaantuskani sawaabinaya wxii ka dhacey Hubei, waxa uu muujinayaa in dib-udhaca hal maalin ay kordhinayso tirada xaaladaha 40%! Idan haddii dawlada ay ku dhawaaqi lahayd xidhida Hubei 1/22 (Halka ay kaga dhawaaqday 1/23) waxa laga yaabaa in ay tirada xaaladaha hoos udhigi lahaayeen 20k.

Xasuusnowna, waxa aynu ka hadlaynaa waa tirada bukaanada oo kaliya. Heerka dhimashadu kor ayaa uu ukacayaa, waayo kaliya tirade dhimashadu 40% kuma saa’idayso, ee culayska saaran nidaamka daryeelka caafimaad ayaa isna kordhayo, taasi oo 10 laabi karta heerka dhimashada sidii aan horeba usoo aragney. Sidaa darteed, “hal maalin” oo lagu degdego hirgalinta kala dheeraashaha bulsheed waxa ay ka hortagi kartaa tirada kordhida tirada xaaladaha cusub, hoos u dhigaysaa tirada bukaanada iyo heerka dhimashada caabuqa.

Khatartani waa mid u korayso si laban-laab ah. Maalin walba waa in ay xisaabta inoogu jirtaa. Marka aad go’aan qaadashada hal maalin dib udhigto ma sababaysid kaliya in dhowr xaaladood ay soo kordhaan [waxa aad sababi kartaa tobonaan kun oo xaaladood]. Waxa laga yaabaa in magaaladaada uu xanuunku ka jiro. Marka haddii aad dib u dhigto in aad qaado tallaabo ka hortag ah, waxa jibbaarmaysa tirada bukaanada.

La wadaag caalamka

Tani waa marka kaliya malaha ee 10kii sanno ee la soo dhaafey shaacinta maqaal ay nafo badbaadiso. Waxa ay ubaahanyihiin dadku in ay wax fahmaan si la iskaga weeciyo khatarta xanuunkan.

Waa la taaganyahay xilligii wax la qaban lahaa. Fadlan la wadaag dadka.

--

--

No responses yet