Marin-Habaabinta waxay halis weyn ku tahay Doorashada 2021

Mohamed Abdimalik
Mohamed Abdimalik
Published in
5 min readJun 19, 2021

Doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah waxaa udub dhexaad u ah: tartan loo wada siman yahay, hay’ado doorasho oo lagu kalsoonaan karo iyo ka qayb-galayaal (codbixiye iyo musharax) xog ogaal ah. Been abuurka, jahwareerinta, dacaayadaha, kutirokuteenta iyo borobagaandadu waxay dhaawacaan seddexda tiir ee doorashooyinka dimuqoraadiga ay ku dhisan tahay.

Marin-habaabinta macno ahaan waa in si kutalogal ah loo sameeyo loona faafiyo warar been ah si loo weeciyo ra’yiga iyo fahamka bulshada iyadoo ujeedkuna yahay in la gaaro dano siyaasadeed ama mid dhaqaale. Soomaaliya oo dagaalo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed ay ragaadiyeen waxaa ay horeyba u ahayd goob ay dhex ceegaagto wararka qaldan. Haddase, waxaa xaaladdi hore uga daray teknolojiyada casriga ee baraha bulshada oo sahlay in si fudud lagu faafin karo warar been oo si xowli masaafo fog iyo dad tiro badan durba wada gaaro.

Soomaaliya waa dal ay dowladnimada iyo dimuquradiyadiisuba nugushahay. Waa dal aanan la hayn hay’ado dowli oo sal adag, xisbiyo siyaasadeed oo qibrad badan, warbaahin madax banaan iyo bulsho rayid firfircoon oo uu babac dhigi kara dhibaatada iyo cawaaqibta marin habaabinta.

Dacaayadaha iyo kutirokuteenta waxaa lagu sumcad-dilaa musharaxiinta, waxay iska horkeentaa laguna kala fogeeya bulshada, waxaa sidoo kale lagu hagardaameeya laguna duudsiya xaqa siyaasadeed ee tartamayasha qaasatan dumarka, dhalinyarada iyo qaybaha kale bulshada ee laga tiro badan yahay.

Marin-habaabinta waxay shacabka ka niyad jabisa hanaanka doorashada waxayna keenta in laga aamin baxo nidaamka dowliga. Marin habaabinta waxay abuurta xaalad ay isku milmaan wararka xaqiiqada ah iyo kuwa male-awaalka, waxay badisaa jahwareerka shacabka waxaana sida ku macna beela in dood dhab ah, xog iyo aqoon ku salaysan lagu garramo layskuna doorto.

Doorashada federaalka oo maalmo kadib aad u xoogaysan doonto ayaa la filan karaa in malaayin doolar xayaysiin iyo olole siyaasadeed musharixiintu ku bixin doonaan. Durba waxaa soo ifbaxaya in xeendaabka wararka ay dhawaan noqon doonto mid aad u qasan, sumaysan oo qataro badan leh. Waxaa foodda inagu soo haayo maalmo laynagu harqin doono marin-habaabin, xayaysiin been ah iyo warar aan sal iyo raad lahayn. Doorashooyinkii horey dalka uga dhacay, marin habaabintu waxay si fudud meelo badan uga abuurtay jawi colaad ilaa meelo qaar ay ka dhacday xabado ay shacab ku le’daan.

Ilaha iyo noocyada marin-habaabinta

Ololaha marin-habaabinta wuxuu ka iman karaa dhinacyo badan. Inta badan waxa alifa oo socodsiiya kooxaha ama shaqsiyaadka ku baratamaya siyaasadda, kooxaha argagixisada, dambiileyaal ama tuugo dhac doon ah, ama dowlado shisheeye oo dano gaar ahi leh.

Noocyada wararka marin-habaabinta waa ay tiro badan yihiin. Si kooban, waxaan u sharxaya lix nooc, waxaana ka mid ah: 1. in xog sax ah meel qaldan loo isticmaalo — sida fidiyow dagaal hore laga duubay in loo saaro mid iyo meel uusan lahayn; 2. in la samaysto websetyo ama bogag baro bulsho si laysaga yeelyeelo qof, xisbi ama shirkad caan ah dadkana sida lagu qaldo; 3. warar ama xog gebi ahaanba been iyo alifaad ah; 4. been abuurka waa in xog sax ahayd wax hor leh lagu daro ama laga tiro sida shaqada ay qabtaan Cabdalle Shideeyaha; 5. in xog ama war loo isticmaal in qof ama arrin la masabbido; 6. in cinwaanka ama masawirka kor saaran iyo warka gudaha ku jirto aysan isla hayn. Sidoo kale, waxaa dhacdo in kaftan siyaasadeed lagu gudbiyo xog ay dadku run moodaan sidaasna lagu qaldo.

Mowduucyada ama dulucda sheekooyinka marin-habaabinta ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya way noocyo badan yihin. Waxay aalaaba diirada saaraan sheegashada waxqabad aanan jirin, ballan-qaad aysan caddayn sida loo oofin karo iyo warar aan la xaqiijin ee musharaxiinta qaar lagu shaabadeeyo in dowlado shisheeye ay wataan ama taagero dhaqaale u fidiyaan.

Sidoo kale, in la alifto saadaal siyaasadeed oo aanaan xog ku salaysneen, ama la been-abuuro eedayn xatooyo ama musuqmaasuq iyo fadeexad qof ama qoyska musharaxa. Tan ugu daranna waa in loolan-ka siyaasadeed la qabiileeyo oo dhiilo iyo colaad la abuuro.

Dumarka iyo dhalinta tartamayaasha ayaa igaguna kala kulmo baraha bulshada caga-juglayn, ceebayn, handadaad iyo in lagu aflagaadeyo sheekooyinka ku qotoma da’a yari, dumarnimo iyo xaasnimo — sida in ay ninka ay wada joogaan uun kursiga ugu adeegtay ama ugu adeegi doonto, iwm.

Sidee wax looga qaban kara

Ka hortaga war-xumo tashiilka waa howl u baahan istraatijiyad cad, lehna yoolaal dhow iyo kuwa fog, ayna si wadajir ah uga wada shaqeeyaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Si loo helo bulsho u adkaysi og arimaha marin-habaabinta, waa lama huraan in sare loo qaada wacyiga iyo aqoonta bulshadeena dhanka warbahiinta cusub, nidaamka madaniga, hanaanka iyo hey’adaha dowliga.

Xilligan doorashada waa in warbaahinta iyo shacabku ay muujiyaan feejigaan iyo diyaar garow si aynu isaga ilaalino faafinta war kaste o qalaalase u keeni kara habsami u socodka iyo nidaamka doorashada.

Bahda saxaafada waxaa had iyo jeer beegsado kooxaha ka shaqeeya ololaha marin-habaabinta oo u ooman inay helaan tabin warbaahinta. Haddii ay ku sirmaan, waxaa halis ah in iyagu dardar-geliyaan, cod-siyaan, dad badana gaarsiyaan wararka qaldan. Sidaa daradeed, waa in warbaahintu diyaar garow gaar ah u samayso tabinta arrimaha doorashada.

Xilliyada doorashada, sida aan hore u soo xusay wax kor u kaco borobagaandada, shirqoolada, siro loo soo baxsho in qof ama xisbi lagu fashilo iyo wararka kale ee dhibaatada keeni kara. Marka waa in warbaahinta iyo wariyeyaasha ay laba jibaaraan xaqiijinta iyo ka hortaga wararka aan la xaqiijin qaasatan ilo-wareedyada uga yimaada baraha bulshada.

Shacabku waa inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin. Haddii aad baraha bulshada ku aragtid war kugu abuuro dhiilo, dareen ama qiiro waxay u badan tahay inu yahay alifaad ama warar loo sameeye kicin bulsho. Waa inaad kow, u kaadisa si aad isaga hubisid, horeyna haka faafin. Labo, isbarbardhig ku samee sida warkaa idaacadaha lagu kalsoonaan karo ay u tebiyeen. Seddex, il-gooni ku eeg cidda wararkan uu ka yimid, ma yihiin ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo. Seddexdaa tilaabo adigoon samayn ha sii faafin warar aad ku aragtay. Ka fogow ilaha warka beenta lagu bartay, ku xiro warbaahinta lagu kalsoonaan karo.

Ugu dambaynti, doorashadu waa howl waqti kooban ku eg, waxaana kusoo baxa qof iyo nasiibkiisa. Yaan la hilmaamin in samaynta iyo faafinta wararka marin-habaabinta iyo nacaybka leh ay bulshadu ku reebi doonto cawaaqib daran iyo qataro badan, sida in muwaadin ku naf waayo ama in dalkaba mar kale ku burburo.

Maxamed Cabdimaalik waa weriye ahna madaxa Xarunta La Socodka Marin-Habaabinta ee FESOJ (FESOJ Disinformation Lab). Kala xiriir cinwaanka: abdimalik@fesoj.org

--

--