DULMIGA

Tawfiiq Farhan Tfc
Tawfiiq Farhan
Published in
3 min readAug 8, 2016
Ka Dheerow Dulmiga, Gacmahaaga Ka Maydh Dhiiga Dulmiga

Dulmigu waa fal cadaalad darro ah oo uu ku kaco qofku, una gaysto qof kale ama ka galo.

Dulmigu waa qofka oo la inkiro amaba la duudsiiyo wuxuu xaq iyo xuquuq u lahaa, cadaadis iyo awoodna lagula kaco.

Waxa sidoo kale lagu tilmaami karaa dulmiga cadaalo daro iyo dhibaato qof ama umad loo gaysto.

Culimada islaamku waxay ku tilmaameen inuu dulmigu yahay saddex qaybood.

1. Dulmiga qofkuu ka galo Ilaahay; waa qof ilaahay cibaadada cid kale la wadaajiya.

2. Dulmiga qofku ka galo Naftiisa; waa qof wixii Alle ka xaaraantinimeeyey xalaalsada ama ku dhaca.

3. Dulmiga qofkuu ka galo dadka kale; waa qof ku xadgudba qof kale ama dhibaateeya.

Waxay ila tahay inaad fahantay dulmiga wuxuu yahay iyo qaybihiisa cida dulmiga laga gali karo, bal se’ waxaan jecelahay inaan halkan hoose kugulo wadaago akhriste, qodobka saddexaad ee ah

1.dulmiga qofkuu ka galo dadka kale ama qof kale, sidoo kale

2. xumaanta dulmiga iyo saameynta uu ku yeelan karo qofka iyo bulshadaba.

1.1; Dulmiga uu qofkuu ka galo dadka kale ama qof kale waxay u kala baxaan saddex, waxaana ka mida

· Iyadoo lagu xadgudbo- sharaftiisa.

· Iyadoo lagu xadgudbo- hantidiisa.

· Iyadoo lagu xadgudbo- dhiigiisa.

Dulmigu waa dambiyada ugu xun ee qofka bini-aadamka ahi galo bal se’ maalinta akhiro waxay noqdaan kuwa ugu culus ee qofka saaran amaba uu la yimaado.

Hanti umad leedahay ama shaqsi oo aad dhacdo ama lunsato waxay ka mid tahay dulmiyada uu qofku galo , sidoo kale waxa ka mida, takoorka, laaluushka, khiyaamada, basaasnimada, xadgudubka, xaasidnimada, xinka, cayda, guumaysiga, yasida, quudhiwaaga, dilka iyo iwm.

Dhamaan intuba waxay iskugu soo ururayaan saddexdaa qodob ee aan kor ku soo sheegnay ee qofka laga gali karo, haday noqoto sharaftiisa, hantidiisa ama dhiigiisa.

2.2; xumaanta dulmiga iyo saameynta uu ku yeelan karo qofka iyo bulshadaba

Dulmigu waa madaw, murugo, cadho, dulinimo, diif iyo arag xumo, dadka dulmiga gaysta waxay dunida kala kulmaan ciqaab deg-dega ah, aakhirana waa u hoog iyo ba’.

Dhamaan dambiyada oo dhan qofka waa laga dhaafaa laakiin dulmiga se uu qof kale ka galay lagama dhaafo, kaliyaata waa in qofku cafis weydiistaa qofka uu dulmiga ka galay ama uu ku xadgudbay inta ifka la joogo, hadii uu xantay, sharaftiisa meel kaga dhacay, hantidiisa dhacay, khiyaameeyey, ciqaab u gaystay, hadii uu jiro mid uu maagay, caayey, amaba dhib kale u gaystay.

Waxaa isasoo tubaaya dadkii wax ku haystay ama daynta ku lahaa maalinta aakhiro qofka dulmiga gaystay, waxaana looga jarayaa khayrka uu lahaa, ilaa uu gaadho isaga oo wixiisiiba dhamaadeen.

Rasuulku (SCW) isagoo ka hadlaaya dulmiga ayaa waxa uu weydiiyey asxaabtiisii,

Ma taqaanaan ceydha?

Waxay ku yidhaahdeen ceydha waxaan u naqaana qofka aan waxba haysan! Balse rasuulku(scw) wuxuu ugu jawaabay ‘’ Ceydhu waa ka maalinta aakhiro la yimaada, sallaad badan, soon badan iyo sakko badan bal se’ ay jiraan isagoo kan dhib u gaystay, dhacay, boobay, waxaa u yidhi waxaa looga jarayaa khayrkuu leeyahay, ileen maalintaa dahab iyo diinaar midna ma shaqaynayee, ilaa uu ka dhamaanayo khayrkiisu, kaasbaana la yidhaah ceydha’’ sida uu rasuulku (scw)sheegay.

Dhibaatada uu dulmiguu keeno aduunka.

· Amniga iyo nabadgelyada oo xumaata; waxaa dhaca qalalaase, boob, dagaalo, abaaro iyo waxyaabo badan oo dadka iyo deegaanba saameyn ku yeesha.

· Ciqaab iyo masiibo degdeg ah; qofka ama umada dulmiga sameysa waxa ku dhacda ciqaab degdeg oo ilaahay ku tuso intay ifka joogaan.

Xadiiskan waxa laga soo weriyey nabiga (scw) waxaana uu ka soo weriyey rasuulku scw ilaahay, isla markaana waxaa soo gudbiyey Saxaabiga Abii-darr, ilaahay waxa uu yidhi ‘’ Addoomahaygiiyoow naftayda waxaan ka xaaraantinimeeyey dulmiga, dhexdiinana waxaan ka dhigay mid xaaraan ah’’ waxaa soo saaray Muslim

. عن أبي ذر رضي الله عنه ، عن النبي صلى الله عليه وسلم فيما يروي عن ربه عز وجل أنه قال : يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي وجعلته بينكم محرما فلا تظالموا

La soco qaybta 2aad…………….

--

--