Tawfiiq Farhan Tfc
Tawfiiq Farhan
Published in
4 min readMay 7, 2016

--

ISDIIWAAN-GALINTA CODBIXIYAYAASHA IYO MUHIIMADA AY LEEDAHAY

Hordhac;

Mahad oo dhami ilaahaybay u sugnaatay, inaga dhigay umad islaam ah, oo ku nool dal amni ah. Intaa ka dib waxaynu ku noolnahay mandaqada Geeska Afrika, waxaynu tartan kula jirnaa, horumarka dalalka jaarka ahi ay gaadhayaan iyo kobaca dhaqaale. Waxa ka mida tartankaa dhanka siyaasada, in la helo doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo inay dhacdo diiwaangalin madaniya si loo helo tiro guud oo ka turjumaysa dhamaan Wadanka, Gobalada iyo Degmooyinka.

iyadoo taasi mid guud tahay, hadana mida gaarka ahi waxay weeyi, in goobaha diiwaangalinta caasimada Hargeisa intooda ugu badani haawanayaan, oo aanay cidi joogin. Saaka(Shalay) waxaan soo maray dhawr goobood oo ku yaala hargeisa – xaafada new hargeisa, waxaa iga marag ah in aan kaligay galay goobta diiwaangalinta si aan isu diiwaangaliyo, fajicisana ay igu noqotay markii aan arki waayey cid saf ku jirta ama joogtaba goobtaa.

Markii aan waraystay mid ka mida saraakiisha diiwaangaliyaasha, waxay ii sheegeen in dadku aanay u soo jeedinba, dabadeed waxaan taleefan u diray dhawr qof oo aan asxaab nahay, waxaan ku yidhi ma isdiiwaangaliseen, waxay iigu jawaabeen may!! Jawaabtii markaa aan bixiyey waxay ahayd, waar arinku hebel ama heblaayo ayaa loo codaynayaa kaliya maaha, ee way ka wayntahay, waana waajibaad uu dalku idinku leeyahay oo aad fulinaysaan, taariikhda dalkiinuna qori doonto, imikaad 18ka may u dabaal degi doontaan, oo aad odhan doontaan qaranimadayada ayaan muujinaynaa, ee kaalaya buuxiya goobaha madhan, baraha bulshada waydinkan calamaantii qaranka soowada dhigay ee muwaadiniinta wada ahe’, waar bal ka warama hadii tiro yar isdiiwaangaliso, oo ay qaranka iyo caalamkaba fadeexad noqoto, soo dad aan israacsanayn inalama moodayo, Waxay iiga balan qaadeen inay sida ugu dhakhsaha badan isku diiwangalin doonaan. Sababtaas ayaan Maqaalkan idinkula wadaagay, ee bal aynu sii milicsano shantan qodob ee hoos ku qoran;-

1. WAA MAXAY ISDIIWAANGALINTA MUWAADINKU IYO QAADASHADA KAADHKA CODAYNTA?

Isdiiwaangalinta muwaadinka iyo qaadasha kaadhka codayntu waa fulinta waajibaadka uu kugu leeyahay dalkaagu, waana xaqiijinta, rumaynta inaad tahay muwaadin , waxaanad xaq u yeelanaysaa inaad codayso, dooratana musharaxa aad u aragto inuu leeyahay karti, aqoon, waayo aragnimo iyo dadnimo, sidoo kale aragtida ah inuu musharax gaar ahi haqab tiri karo baahiya jira, kana midha dhalin karo isbedal dhaba oo dhan walba leh, haday noqoto nabada, dimuqraadiyada, caafimaadka, waxbarashada, sinaanta, cadaalada iwm. Waxaanad xaq u leedahay inaad la xisaabtanto dawladaada, xuquuqda aad ku leedahayna aad ka raadiso si aan gabasho lahayn

2. MA TAHAY MUWAADIN? MAXAA KUU DIIDAY INAAD ISDIIWAAN GALISO?

Hadii aad tahay muwaadin, waxa muhiim ah inaad tagto goobta diiwaangalintu ka socoto, waa biyo kama dhibcaan inaad gudbiso warbixinta lagaa rabo, kuna buuxiso diiwaanka lagu kaydinaayo muwaadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan, si ay kuugu fududaato maalinta doorashada inaad codayso.

Maanta waa maalin uu kuu baahan yahay dalkaagu, waa maalin codkaagu badali karo dhamaan dalka. Miyaanay sumcad ahayn in aad maqasho dalkaaga waxaa ka hirgashay Habka diiwaangalinta codbixiyayaasha( Hal Qof iyo Hal Cod)

Sumcad iyo sharaf ka weyni ma jirto inaad isdiiwaangaliso, aragtano muwaadiniintii dalkaaga oo isdiiwaangalinaya. marka laga yimaado inaad musharax u codayso ama aad tidhaahdo kuwii horeba waxba noomay qaban. Lama huraan waa caws jiilaal, ee ha dayicin fursada qaaliga ah.

3. WAA MAXAY DIIWAANGALIN? MAXAY SE TAHAY CODAYN?

DIIWAANGALIN; Erayga diiwaangalin, Waa eray Soomaali ah, waxaana lagu micneeya sida luuqadaha qalaad ee ay ka mid tahay ingiriisudu;

• Waa habka loo galiyo warbixin ku saabsan shay ama shaqsi buug ama diiwaan, laguna kaydiyo.

• Waa diiwaan ku tusaaya in Ashyaa ama wax, sida magacyo, lagu ururiyey. (Merriam-Webster Dictionary)

• Waa habka loo kaydiyo magac ama warbixin, iyadoo lagu qoraayo diiwaan ama liisto loogu talo galay.

• Waa habka loo galiyo magacyo diiwaan. (Cambridge Dictionary)

* Muwaadinkii isdiiwaan-galiya ayuunbaa codayn kara!

4. DIIWAANGALINTA IYO CODAYNTU SIDEEBAY ISKUGU XIDHAN YIHIIN.

Erayga codayn waa ogolaanshiyaha muwaadinka la siiyo si uu u codeeyo doorashada. Diiwaangalintuna waa habka loo diiwaangaliyo magaca iyo warbixinta ka turjumaysa muwaadinka ogolaanshiyaha la siinayo. Diiwaan-galinta codbixiyayaashu waa ogolaanshiyaha muwaadinka in la siiyo xaquuqda uu ku codaynkaro, kana turjumaysa jiritaankiisa iyo cadaynta inuu yahay muwaadin, si uu uga qayb qaato arimaha dawlada, waana seeska laga asaaso dimuqraadiya.

5. WAA MAXAY FAA’IDADA KU JIRTA ISDIIWAANGALINTA MUWAADINKU?

1. In la kala sooco muwaadinka iyo kaan muwaadinka ahayn.

2. In la helo tiro cayiman oo la isla wada ogyahay iyo goobohoodii.

3. In la helo doorasho xor iyo xalaal ah.

4. In la helo, lana doorto hogaamiyaha la rabo.

5. In laga dheeraado ku shubasho, qof walibana mar kaliya codeeyo.

GUNAANAD;

Waxaan Ku Soo Gunaanadaya Mudane/Marwo Muuji dareenkaaga muwaadinimo, kana qayb qaado diiwaangalinta, wacyigali dhalinyarta si ay goobaha diiwaan-galinta ugu faylaan, kana faa’idayso fursada qaaliga ah ee uu kaaga baahan yahay qarankaagu, uguna shaqee si mutadawcnimo ah. Diiwaangalintu waxay cadaynaysaa dal buuxiyey sifaha dawladnimo, waana sifo qaranimo iyo helitaanka dad xor, cod xalaal ah iyo dal xasiloon oo nabada.

Tawfiiq Farhan Tfc

Hargeisa

--

--