Tawfiiq Farhan Tfc
Tawfiiq Farhan
Published in
1 min readMay 5, 2016

--

Qorshaha Nolosha

🔴 Maanta Haday Arbaca Tahay
Shalay Salaasa Ayey Ahayd
Da’raadna Waxay ahayd Isniin.

Beri Waa Khamiis, Saa-dambe waa Jimce, Saa-kuuna waa Sabti.

Dhamaan Maalmahaas oo dhan waxay isku Weydaaranayan, Maanta, shalay, da’raad, Beri, Saa-dambe, Saakuun.

Wakhtigu Ma istaagayo
Sanadaduna way socdaan
Maalin kastaana way is bedelaysaa.
Maalin kastaa Noloshaada macne Gooniya ayey u leedahay.

Maalin kastaa Noloshaada Taariikh iyo Xusuus Ma Guurto ah Ayey ku Leedahay Farxad iyo Murugo Labadaba.

Maalmuhu Siday isku Bad badalayaan Ayeynu Muuq iy Maanba isku badalaynaa

Kaliyaata Waa inaynu Qorshe u samayno Nolosheena Mustaqbalkeena, Ubadkeena, Mustaqbalkooda, Labadaba Mid Aakhiro iyo Mid Aduunba.

📕@Tawfiiqfarhan

--

--