Tawfiiq Farhan Tfc
Tawfiiq Farhan
Published in
2 min readMay 5, 2016

--

XAASIDKA

Waa Qof Xanuunsanaaya Oo Ka Xun Nimcada Ilaahay Dadkiisa U Qaybinaayo Ama Siiyey , Qofka ‪#‎Xaasidka‬ Ahi Waxaa Uu Nacbeystaa Marka Uu Arko Qof ALLAH Nimco Siiyay Sida Cilmi, Qurux, Mansab Iyo Maal, Waxuu Ku Dadaalaa sidii ay uga tagi lahayd, yuusan isagu helinbee.

Qofka xaasidka ahi waa qof ka dheer iimaanka, qalbigana kuma kulmaan xaasidnimada iyo iimaanku, hadaba aniga oo jecel inaan wax kaaga sheego xaasidka iyo xumaantiisa waxaan ku soo qaatay qisadan:-

Iblays Ayaa Maalin Soo Garaacay Albaabka Guriga Fircoon, Dabadeedtana Fircoon Ayaa Waydiyey Waa Kuma, Iblaysbaa Ku Yidhi Waa Aniga, Ilaahnimo Ayaad Sheeganaysaa

Markaasanaad Garanayn Cida Albaabkaga Soo Garaacaysa!! Cajiib, Hadaad Fircoonow Ilaaha Dhabta Tahay Waad I Garan Lahaydbuu Yidhi, Dabadeedtana Fircoon Ayaa Ku Yidhi Soo Gal Iblaysoow Bilaa Barako Ayad Tahay Oo Khayr Ma Lihidee.

Markii Uu Soo Galay Ayuu Fircoon Ku Yidhi Iblays, Miyaad Garanaysaa Cida Aduunka Korkeeda Ku Nool Ee Inaga Shar Badan; Adigu Iblaysoow Waxaad Diiday Inaad Adoonkii Ilaahay Nabi Aadan U Sujuudo, Aniguna Waxaan Sheegtay Ayuu Yidhi Fircoon Ilaahnimo.

Markaas Ayuu Iblays Ugu Jawaabay Fircoon Haa! Wuu Yaabay Fircoon, Wuxuu Ku Yidhi Waa Kuma Kaa Inaga Sharka Badani, Dabadeedtana Wuxuu Ugu Jawaabay Waa Xaasidka.
Iblays Wuxuu Yidhi Anigu Waxaan Adoonkii Ilaahay Ugu Sujuudi Waayey Xaasidnimo, Tusaale Ayaan Ku Siinayaa Ayuu Yidhi Fircoonow, Waxaa Uu Uga Sheekeeyey Sheeko.

Wuxuu Ku Yidhi Fircoonow Waxaan Lahaa Saaxiib, Wax Kasta Oo Shara, Oo Aan Ku Yidhaa Samee Wuu Samayn Jiray, Wax Kastoo Xun Oo Aan Ku Yidhaa Same Wuu Samayn Jiray,

Kadibna Maalin Ayaan Ku Yidhi Saaxiib Wanaagsan Ayaad Tahay Ee Maxaad Iga Codsan Lahayd Aniga, Kadibna Wuxuu Igu Yidhi Nin Jaarkayaga Ah Ayaa Hal Sac Leh Ee Ka Dil, Iblaysbaa Yidhi Waar Saca Anigu Dili Kari Maayo Oo Awood Uma Lihi, Ilaahaybaa Dili Kara Ee Ka Waran Adiga Hadaan Ku Siiyo Toban Sac, Dabadeedtana Ninkii Aya Yidhi May! Anigu Waxaan Doonayaa In Ninkaa Aad Sacaa Ka Disho, Boqol Sac Hadaad Xitaa Isiiso Dooni Maayo .

Iblays Ayaa Yidhi Bal Ka Waran ‪#‎Xaasidnimadaa‬, Nin Sac Kaliya Leh Buu U Quudhi Laayahay.
Markaas Ayaan Ogaaday buu Yidhi Iblays In Xaasidku Aniga Iyo Adigaba Inaga Shar Badan Yahay.

Gunaanad

Xikmada ku jirta Qoraalkan waxa weeyi inaad iska ilaaliso, ka dheeraato‪#‎xaasidnimada‬, soomaliduu waxay tidhaah ‪#‎xaasidku‬ waligii ma aflaxo.
walaalkaa/walaashaa u hibee, u ogolow wanaaga, sareynta, muujina dulqaad iyo ixtiraam, noqona qof deeqsiya, una hur xoolaha iyo maalkaba dadka u baahan, u fidi gargaar dadka danyarta iyo dadka baahiyeysan, aakhiro meel wax u dhigo, xijaab ayey kuu noqotaa sadaqadu maalinta aakhiro waanaad ku badbaadaa.

Allaa Mahadleh.

Tawfiiq Farhan
‪#‎Casharada_Nolosha‬

--

--