Waa Maxay Saxaafadda Xogta?

Mohamed Abdimalik
Warkaab
Published in
3 min readApr 23, 2023
Khariidad muujinaysa goobihii lagu dilay darawalada Bajaajta ee Muqdisho

Si kooban hadii aan u dhigo, saxaafadda xogta (data journalism) waa xogta oo la isticmaalo ujeedo saxafadeed. Xogta ma ahan keliya tirooyiin oo kaliye ee waxa ka mid ah macluumaad walbo oo dhijitaal ah sida qoraalada, sawirrada, muuqaalada, istaatisko iyo cabbiro sal u noqon kara sheeko, falanqayn, sababayn, ama talo soo jeedin.

Saxaafadda xogta waa farsamo saxafi ah oo ku salaysan isticmaalka iyo falanqaynta xogta si daaha looga rogo arrin muhiim ah ama loo bixiyo aragti, sharraxaad iyo sheeko-wareed qoto dheer. Saxaafadda xogta waxaa loo adeegsadaa in xogta laga raadiyo ama laga sameeyo sheekooyin mug iyo macne leh.

Si kale u dhig, saxaafadda xogta waa farac warbaahineed oo la soo shaac baxday horumarka dhanka dhijitaalka, kobaca helitaanka xog baaxad weyn iyo qalab tiknoolajiyadeed oo sahli kara in si fudud xogta looga miro dhaliyo.

Saxafiyiintu waxay adeegsadaan farsamada teknoolojiyadda si ay u helaan, u lafo-guraan, ugana soo saaraan xogta sheekooyin ka tarjumaaya danta dadweynaha. Xogta marna waxa ay u isticmaalan il-wareed ahaan oo waxaa laga helaa war aan horey loo ogayn, marna xogtu waxa ay udub ama agab u tahay tebinta sheeko-wareed.

Inta badan, weriyaha xog-maal ka ah waxaa u sheekooyinka ku gudbiyaa aaladaha xog-sawirka (data visualization); oo ah in qaab muuqaal ahaan loo soo bandhigo macluumaad iyadoo la adeegsanaayo aaladaha xogta sida jaantusyada, garaafyada, khariidadaha si loo gudbiyo fahan xog ku salaysan.

Muhiimada Saxaafadda Xogta?

Koboca saxaafadda xogta waxa ay la kowsatay xilli warbaahinta caalamka ay wajahayaan culeyso badan sida dhaqaale xumo, khalkal dhijitaal oo ka dhashay isbeddelka isgaarsiinta warbaahinta oo u biyo shubatay dhijitaal, mobeyl iyo warbaahinta baraha bulshada.

Caqabadahaasi waxay dhaliyeen in la raadiyo habab, faracyo ama laamo cusub ee warbaahineed si loola jaanqaado isbedellada casriga iyo baahida shacabka ku xiran warbaahinta.

Helitaanka xogta waxa ay saxafiyiinta siisay fursad cusub, fursad gaar ah oo ay si sax ah oo mug leh ugu warbixiyaan. Teknoolijiyada iyo farsamada falanqaynta xogta waxa ay sidoo kale siisay wariyeyaasha inay tebin karaan warar ama sheekooyin cusub oo ku dhex qarsoonaa xogta, si kalena lagu ogaan karin.

Xilli ay aad u tiro bateen adeegsiga warar been abuur ah, marin-habaabin iyo warxumo tashiil, qaasatan baraha bulshada Soomaalidda, waxaa muhiimad gooni ah leh in la helo warar la hubo, la xaqiijiyey oo ka tarjumaaya danaha guud. Isticmaalka xogta waa habraac wax ku ool ah oo looga hortagi karo wararkan wareersan.

Saxafiyiintu waxa ay u adeegsadaan farsamooyinka xogta in ay soo saaraan sheekooyin tooshka ku iftiimin kara musuq daahsoon, in ay xaqiijiyaan kana falceliyaan wararka masuuliyiinta, lana xisaabtamaan dowladda.

Sideed u baran kartaa Saxaafadda Xogta?

Heer walbo oo aad saxaafadda ka joogtid, bilow ama rugcadaa — waxaad si fudud u baran kartaa xirfadaha saxaafadda xogta. Uma baahnid inaad heshid shahaado heer jaamacadeed oo saxaafad, xisaab, istaatistiko, ama koombiyuutar ah si aad u noqotid saxafi xogmaal ah.

Maqaalkan midka xiga waxaan kusoo qaadan doonaa wadada ugu fudud ee uu qofku ku baran karo saxaafadda xogta.

Haddase, ku xiro mareegtada Warkaab oo si joogta ah u soo gudbin doonta dhamaan wixii casharro, tilmaan, iyo qalab aad u baahan tahay si aad xogta macno iyo sheeko uga samaysid.

Warkaab waa shabakad ay idin soo diyaarisay Jaantus — oo ah isku xir kulmisa saxafiyiinta Soomaaliyeed ee jecel arrimaha xogta. Jaantus waxay u taagan tahay in wax laga qabto xirfad la’aanta baahsan ee dhanka xogta, helidda xogta, iyo aqoonta dhijitaalka ah ee ka dhex jira saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

--

--

Mohamed Abdimalik
Warkaab
Editor for

Journalist, data activist, and founder at Jaantus